Bangi ku yaalla magaalada Mandheera oo la weeraray

Bangiga la weeraray xalay ee magaalada Mandera
Image caption Bangiga la weeraray xalay ee magaalada Mandera

Weerar lagu qaaday Bangi ku yaalla magaalada Mandheera ee gobolka wawoyi bari ee dalka Kenya ayaa lagu dilay hal ruux.

Qofka dhintay ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid ka mid ah askarta Kenya ee kayd ah oo waardi ka hayay bangigaasi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas, balse Mandheera iyo deegaannada ku xeeran waxaa ku soo noqnoqday ammaan xumo iyo weeraro ay sheegteen ururka Al shabaab.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Tuulo ku taal kenya oo 40 qof ku weyday weearada Shabaabka ee Mandera

Kenya: Weerarka Mandera gudaha ayaa laga abaabulay

Illaa iyo hadda lama sheegin lacag laga dhacay bangiga oo la weeraray 2:00 saqda dhexe (saacadda geeska Afrika).

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha warkan waxaad kala socon doontaan barteetan, baraha kale ee bulshada iyo Idaacadaheenna kale ee soo socda.