Tababaraha Arsenal: "Waan ka qoomamooday" in aan riixay Anthony Taylor

Wenger Lahaanshaha sawirka .

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in uu "ka qoomamoonayo" in uu riixay Anthony Taylor oo ahaa kalkaaliyaha afraad ee garsooraha ciyaartii ay sida layaabka leh uga badiyeen Burnley.

Wenger ayaa lagu ganaaxay in uu ka tago qaybta ay tababareyaashu istaagaan ka dib markii uu ka xanaaqay rigoore la siiyay Burnley oo la daalaa dhacaysay ciyaarta oo hal iyo eber ah.

Andre Gray ayaana gool u badalay rigoorahaas balse Alexis Sanchez ayaa intaas ka dib rigoore kale dhaliyay iyadoo ay sidaas ciyaartii ugu dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Arsenal.

Arsene Wenger oo sheegay in garsooreyaasha loo ilaaliyo sida libaaxyada

Arsene Wenger oo ka cawday jadwalka ciyaaraha

Arsene Wenger oo ammaan kala dul dhacay ciyaartoyda Afrikaanka ah

"Waxay ahayd in aan iska aamuso - inaana sidaas samaynina raaligalin baan ka bixinayaa" ayuu yiri Wenger

Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd in uu is xakameeyo xitaa haddii uu wakhtigu xumaa.

Waxay u badan tahay in Wenger uu ganaax kale kala kulmo FA-ga dhaxdadaas awgeed.

Tababare Alan Pardew oo macallin u ahaa kooxda Newcastle ayaa lagu ganaaxay in uu san labo ciyaarood istaagin goobta tababareyaashu ay istaagaan marka ay kooxdiisu ciyaarayso iyo waliba 20,000 gini, ka dib markii uu riixay Peter Kirkup oo ahaa kalkaaliyahii garsooraha ciyaar ay la lahaayeen Tottenham sanadkii 2012kii.