Nigeria oo ka digtay in carruur qarax loo adeegsanayo

Khariidad

Dumarka qaraxyada ka gaysta Nigeria ayaa hadda carruur qaata si ay uga badbaadan in la qabto ama la fashiliyo, sida ay ka digayaan masuuliyiinta dalkaas.

Weerar ka dhacay magaalada Madagali 13 Janaayo ayaa la arkay labo haween ah oo is qarxinaya iyaga oo dilay lafahoda, labo ilmood iyo afar ruux oo kale.

Waxay ka soo gudbeen bar kontarool oo ay joogeen ciidammo is abaabulay iyaga oo loo qaatay in ay shacab yihiin maadaama oo ay carruur wateen.

Dumarka is qarxiya ayaa horay loo arki jiray, laakiin saraakiishu waxay sheegayaan in ay arrin "halis ah" tahay in carruur la adeegsado.

Kala qaybsanaanta dhanka hogaanka ee Boko Xaraam-ta Nigeria

Macluul daran oo ka taagan dalka Nigeria

Ururuka Boko Xaraam ayaa loo arkaa in ay ka dambeeyeen weerarkan.

Afar haween ah ayaa qaraxyo ka gaystay Madagali oo ka tirsan gobolka Adamawa oo dib looga qabsaday ururuka Boko Xaraam sanadkii 2015-kii.

Labo ayaa lagu istaajiyay bar kontorool markaas ka dibna is qarxiyay sida ay saraakiishu sheegeen.

Si kastaba ha ahaateee labo dumar ah oo carruur watay ayaanse la baarin waxayna is qarxiyeen markay ka gudbeen laamihii ammaanka.

Bookoo Xaraam ayaa lagu yaqaanaa in ay adeegsadaan haweenka is qarxiya oo ay ku jiraan gabdho yaryar.

Dawladda Nigeria ayaa dagaal kula jirta ururkaas iyaga oo dib uga qabsaday goobo badan oo ay ka arrimin jireen.

Laakiin ururka ayaa sare u qaaday weerarada is qarxinta ah oo ay kaga jawaabayaan dagaalka lagula jiro.

Bishii Desembar ee hore labo dumar ah oo is qarxiyay ayaa dilay ugu yaraan 45 ruux oo ku sugnaa isla magaaladaas ka dib markii ay qarxiyeen suuq mashquul ah.

Qarax kaas la mid ah ayaa 25 ruux dilay sanadkii kaas ka sii horeeyay.