Maxkamadda sare ee UK oo amartay in baarlamaanku u codeeyo ka bixidda M/Yurub

Lahaanshaha sawirka PA

Maxkamadda sare ee Britain ayaa go'aamisay in ay waajib tahay in baarlamaanka uu u codeeyo in la billaabi karo qorshaha ay Britain kaga baxayso Midawga Yurub.

Go'aankan wuxuu ka dhigan yahay in Theresa May aysan wadahadal la yeelan karin Midawga Yurub ilaa iyo inta ay taageero ka helayso xildhibaanada, inkastoo ay u badan tahay in arrintaasi ay dhacdo wakhtiga kama dambaysta ah oo ku beegan 31 bisha saddexaad.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in aan codayn looga baahnayn baarlamaannada Scotland, Welsh iyo Northern Ireland.

Dadka arrintan u ol'olaynayay waxay ku doodayaan in ay dimuqraadiyadda ka soo horjeeday in baarlamaanka UK loo diido in uu codeeyo.