Maxay tahay muhiimadda uu leeyahay shirka nabadda Suuriya ee Astana?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay muhiimadda uu leeyahay shirka nabadda Suuriya ee Astana?

Waxaa maalintii labaad galay wadahadallada looga gol-leeyahay in lagu xalliyo colaadda ka taagan waddanka Suuriya.

Shirkan oo ay garwadeen ka yihiin wadammada Ruushka, Turkiga iyo Iiraan, ayaa waxa uu u dhaxeeyaa dowladda Suuriya iyo mucaaradka hubaysan.

Shirkana waxaa ka qeybgalaya inta badan kooxaha mucaaradka ee la dagaalamaya maamulka Madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Haddaba maxaa laga filan karaa shirkan? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinay Cabdifitaax Nuur Ashkar, oo ka faalooda arrimaha caalamka carabta iyo Islaamka, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo wareystay ayaa marka hore waxa uu waydiiyay muhiimadda uu leeyahay shirkan?