Mexico oo qeexday qaabka ay Trump ula dhaqmeyso

Mr Pena Nieto wuxuu sheegay in amniga iyo xuquuqda shacabka Mexico ee Mareykanka ku nool uu ahmiyadda koobaad siinaayo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Pena Nieto wuxuu sheegay in amniga iyo xuquuqda shacabka Mexico ee Mareykanka ku nool uu ahmiyadda koobaad siinaayo

Madaxweyne Enrique Pena Nieto ayaa wacad ku maray inuu u dagaallami doono danaha Mexico, uuna difaaci doono xuquuqda muhaajiriinta, inta uu socdo kullan uu la yeelan doono madaxweynaha cusub ee Mareykanka.

Talaadada soo socota ayaa la filayaa in labada madaxweyne ay kulmaan.

Donald Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu derbi ka dhisaayo xuduuda dhanka koofureed ee Mexico iyo Mareykanka.

Ujaadada arrintaas ayaa ah in tahriibayaasha Ka socdo Latin Amerika uu ka celiyo dalka Mareykanka.

Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga

Trump oo la kulmay madaxweynaha Mexico

"Xalka wuxuu ku jiraa wadahadalka. Dagaal iyo go'aan kuma jiro xal", ayuu yiri madaxweynaha Mexico.

Mr Pena Nieto wuxuu sheegay in Mexico ay dhowreyso heshiiska ganacsiga ee Trump uu dhalleeceeyay.

Ganacsiga xorta ah ee Waqooyiga Amerika ee ay wada saxiixeen Mexico, Canada iyo Mareykanka, wuxuu dhaqan galay sanadkii 1994-tii.

Donald Trump ayaa ballan qaaday xilligii ololaha, inuu dib wadahadal uga gali doono waxyaabaha ku xusan heshiiska.

Madaxweynaha Mexico, Mr Pena Nieto wuxuu tilmaamay in guusha Trump ay sababtay in Mexico ay dib u qeexdo xiriirka ay la wadaagto US.

"Way cadahay in Mareykanka uu aragti cusub ee arrimaha dibadda ah leeyahay," ayuu yiri, xilli uu jeedinaayay hadal ku saabsan ujeedada cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mexico.

"Mexico waxay sameyneysaa waxkastoo ay ku difaaci karto daneheeda qaran."

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shacabka Mexico waxay ka dibad baxayaan dirniga uu Trump doonayo inuu xuduuda ka dhiso

Wuxuu sheegay in Mexico ay saaxiib dhow la noqoneyso Brazil, Argentina iyo dalalka kale ee Latin Amerika.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inay qorsheynayaan inay ka baxaan heshiiska ganacsiga ee Yurub kala dhexeeya.

Wuxuu doonayaa inuu Britain la heshiiyo marka ay si rasmi ah uga baxdo midowga Yurub.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mexico waxay sheegtay in xiriirka ganacsiga ee Mareykanka kala dhexeeyo ay sanadkii ku baxdo $500bn

'Buundo, maya derbi'

Madaxda dalalka Mexico iyo Mareykanka waxay isbuucan billaabayaa inay dib u qeexaan nooca xiriir ee labada dal ay yeelanayaan.

Xilligii uu socday ololihii doorashada, Mr Trump wuxuu ballanqaaday inuu kala xiraayo labada dal si tahriibayaasha aysan u galin Mareykanka.

Wuxuu si ku celcelis ah u sheegay in dalka Mexico uu bixinayo qarshka ku baxaya derbiga.

Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo

Trump oo loo doortay Madaxweynaha Mareykanka

Mr Pena Nieto wuxuu tibaaxay in Mexico "aysan aaminsaneyn derbi la dhiso ee ay doonayaan in buundo la isaga gudbo la sameeyo".

"Mexico waxaa lagu sharfay inay tahay isku xiraha badaha Atlantic iyo Pacific. Waa buundo dabiici u ah ganacsiga gobollada kale ka dhexeeya," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Qeybo ka mid ah derbiga ayaa la dhisay

Wuxuu xaqiijiyay in tirada muwaadiniinta Mexico ee xuduuda Mareykanka ka tallaabaya ay si aad ah hoos ugu dhacday sanadihii aanu soo dhaafnay.

Dadka badankooda ee Mareykanka ku gala tahriibka ee Mexico siimara waxay ka yimaadaan Bartamaha qaaradda Amerika.

Madaxweynaha Mexico wuxuu soo bandhigay 10 qodob oo dalkiisa uu ku bandhigi doono wadahadallada, oo ay ka mid yihiin, xuquuqda shacabka Mexico, iyo dhowridda lacagaha xawaaladaha la isugu diro oo lagu qiyaaso 25 bilyan oo dollar, sanadkii.

Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Qabuuraha ka qaalisan guryo badan!

Mr Pena Nieto wuxuu magacaabay shan arrimood oo dalkiisa u hogaan ah inta wada xaajoodka uu socdo.

  • Madaxbannaanida qaran
  • Xushmeynta shuruucda dalka
  • Aragti hal abuur leh oo wax dhista
  • Is dhexgalka Waqooyiga Amerika ee ay ka wada midka yihiin Mareykanka, Canada iyo Mexico.
  • Wadahadallo wax ku ool ah, oo ay ka mid yihiin tahriibta, amniga, argagixisada, iyo daroogada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan