Dadkii ku naafoobay colaadihii Hargeysa oo aan helin daryeel
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadkii ku naafoobay colaadihii Hargeysa oo aan helin daryeel

Qaar ka mid ah dadka ku naafoobay dagaalladii Hargaysa ka dhacay sanadkii 1988-dii ayaa ka cabanaya in aanay helin daryeel caafimaad oo ku filan.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Xasan Daahir Nuur, oo ay miino labada gacmoodba goysay.

Waxa uu Xasan sheegayaa in uu la qabsaday naafanimadaasi, uuna uu arko Qadar Alle, balse uu jeclaan lahaa in uu daryeel caafimaad helo.

Haddaba qaabka ay dhibaatadaasi u saameysay noolashiisa iyo sida uu wax u qabsado ayuu Xasan Daahir uga warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.

Mowduucyada la xiriira