Masar oo dib u eegeysa furriinka ah weedha "Waan ku furay"

Dumarka Masar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dumarka Masar

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdi Fatax Al-sisi ayaa muujiyay in heerka furriinka uu sare u kacay dalkaasi.

Al-Sisi ayaa soo jeediyay in la sameeyo sharci xakameynaaya furriinka hadalka ah.

Nimanka Muslinka ahi waxay xaasaskooda ku furi karaan eray ah "waad iga furantahay".

Sannadkii 2015-kii, dalka Masar, afartii daqiiqaba waxaa dhacayay hal furriin, taas oo ka dhigan in boqol iyo lixdan kun oo goor dad kala tagaan sannadkii.

74 milyan oo doolar ayuu ku bixinayaa guurka gabadhiisa

Turkiga ayaa ka noqday sharciga kufsiga gabdhaha yar

65 sano ka dib ayay is heleen oo is guursadeen:

Dhanka kale waxa isla sannadkiiba dalka Masar ka dhaca sagaal boqol oo kun oo aroos.

Boqolkiiba afartan furriinka ka dhaca dalkan ay dadkiisu yihiin boqolka milyan ee qof, waxay dadka is guursaday is furaan shanta sannadood ee ugu horreeya guurkooda.

Al-Sisi wuxu yidhi "hadii guurka sharciga dalku aqoonsanyahay yahay kan xafiis qaadi laga diiwaan geliyey, waxaa daruuri ah in sharcigaas oo kale lagu dabbaqo furriinkana.

Madaxweynuhu wuxu rumaysanyahay in qorshaha sharciga qabyada ah ee la wadaa, uu fursad u siinayo lamaanaha is diida si ay arrintooda dib ugu eegaan.

Waxa kaloo uu sheegay in ay tahay in qorshan cusub caruurta ka ilaaliyo cawaaqib xumada ka dhalata furriinka, iyo ka hor tagga wuxu ku sheegay anshaxa aan haboonayn.

Ilaa haatan culimaa'udiinku kama hadal arintan, laakiin arrinku waa mid xanaf leh, waxaala la filayaa in dadka ku dhaqan qarankan dunida Carabta ugu dadka badan aad uga soo horjeestaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan