'Doorashada madaxweynaha Soomaaliya waxay dhaceysaa 8 February'

Waxaa dhowaan Soomaaliya ku soo idlaaday doorashada xubnaha aqalka sare
Image caption Waxaa dhowaan Soomaaliya ku soo idlaaday doorashada xubnaha aqalka sare

Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 8-da bisha February ee soo socota.

Guddigu waxa uu sidoo kale sheegay inuu 26 Janurary ay bilaaban doonto diiwaan gelinta musharaxiinta u taagan Madaxweynaha. Diwaangelinta ayaa soco doonto ila aiyo 29 bishan January.

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federal oo maamulayay doorashooyinka ka hor inta aan la alkumin guddiga baarlamaanka ayaa horay dhowr jeer dib u dhigay qabsoomida doorashada madaxtinimada.

Mar sii horreysay manta guddiga doorashada Madaxweynaha oo ka kooban xubnaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee shalay la magacaabay ayaa maanta doortay Guddoomiye u doortay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beyle oo horay u ahaan jiray Wasiirkii Arrimaha Dibadda Xukuumaddii hore.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
QM: Faragelin ayaa lagu hayaa doorashada Soomaaliya