Taksiile daacada ah oo celiyay wixii gaarigiisa lagu illoobay oo abaalmarin la siiyay

Tagaasida magaalada Manila (16 June 2008) Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dareewallada tagaasida waxay ku loolamaan qiimaha ay dadka ku qaadaan ee magaalooyiinka Filibiin.

Darawal taksi oo ku nool dalka Filibiin, kaas oo dib u celiya alaabta qiimaha leh ee gaarigiisa lagu illaawo, ayaa lagu abaalmariyay inuu ka shaqeysto waxna ka barto dalka dibaddiisa.

Reggie Cabututan, oo 30-sano jir ah, ayaa lagu sharfay magaalada Banguio, waxaana la siiyay fursad uu wax uga barto kagana shaqeysto dalka Australia.

"Waxa aan sameynjiray ayaa ah inaan noqdo oo aan geeyo alaabta marka aan ogaado in gaarigeyga looga tagay," ayuu u sheegay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Wiilka yar ee ninka tujaarka ah u eg

Nin derbi jiif ahaan jiray oo noqday taajir

Ficillada uu sameeyay ayaa si weyn loogu amaanay baraha bulshada ee caalamka oo dhan.

Nin ganacsade ah oo u dhashay dalka Australia ayaa ku qoray bartiisa Facebook, wuxuuna sheegay in Cabututan uu u celiyay Laptop-kiisa qiimihiisu yahay kumannaan dollar iyo baasaboor, kuwaas oo uu ku dhex illoobay gaariga, ka dib markuu xanuunsaday.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Laptop ah MacBook Pro, wuxuu ka mid ahaa waxyaabihii uu ninka Australia u dhashay uu taksiga ah ku illoobay, loona celiyay.

"Arrinta ay tahay in diiradda la saaro ayaa ah sharafta uu leeyahay," ayuu yiri ka dib markuu farriinta ku daabacay Facebook.

"Reggie wuxuu amaano ahaan u hayaa wixii gaarigiisa looga tago ee magaalada Banguio, anigana nasiib ayaan u yeeshay inaan barto intaan safarka ku joogay Filibiin".

"Anagoo ka soo bexeysa saldhig boolis si aan u gudbino dacwo ah inaan alaab waynay, ayaan aragnay gaari taksi ah oo nagu soo baxay. Alla muxuu lahaa weji qurux badan oo faraxsan. Maxay guul bini aadamnimo tahay!"

Farriin kale oo Facebook la dhigay oo ka dhalatay daacadnimadiisa ayaa sababtay in isiga iyo qoyskiisa ay aadaan dalka Australia.

'Tagaasida in la wadaago waxay yarayn kartaa saxmadda jidadka'

Uber oo bilaabaysa baabuur is wada

Wuxuu halkaas ka baran doonaa Software, oo lix-bilood ah, ka dibna wuxuu ka shaqeyndoonaa shirkadaha uu leeyahay ninkii uu u celiyay laptop-ka iyo baasaboorka oo lagu magacaabo Shields.

"Marka uu dhammeeyo waxbarashada, waxaa loo ballan qaadayaa inuu helayo tababar shaqo oo wanaagsan, si uu u billaabo shaqo uu mushaar fiican ka helo," ayuu ku qoray bartiisa.

Cabututan wuxuu sidoo kale abaalmarin ka helay maamulka dowladda ee Banguio xilli ay Isniintii halkaas ka socotay munaasabadda maalinta calanka, sida ay warbaahinta dalkaasi ku warramayaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan