Qabowga ka jiro Kashmir oo dilay 10 askeri oo Hindi ah

Kashmir waxaa maalmahan ka da'aya baraf aad u daran. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kashmir waxaa maalmahan ka da'aya baraf aad u daran.

Ugu yaraan 10 askeri ayaa ku dhimatay baraf ka da'aya qeybta Hindiya ay maamusho ee Kashmir, sida saraakiisha dowladda ay sheegeen.

Meel u dhow xuduudda ay Hindiya iyo Pakistan ku muransan yihiin waxaa ku dhimatay todobo askeri, ka dib markii gaarigooda uu ku dhacay baraf soo dumar.

Sidoo kale, xarun ciidan oo uu baraf daboolay waxaa ku dhimatay seddax askeri, todobo kalena waala badbaadiyay.

Ciidamada Hindiya iyo Pakistan waxay badanaa u dhintaan qabowga Kashmir ee xilliga Xagaaga.

Mid ka mid ah furayaashii Titanic oo la iibinayo

Gebi baraf ah oo dad uu ku dumay ku laayey Talyaaniga

Baraf aad u badan oo gobolkaasi ka da'aya ayaa sababay xaalad xun ka dib markii ay xirmeen wadooyiinka iyo qadadka tareenada.

Labada dhacdo ee askarta barafka ku dhimatay waxay ka dheceen deegaan miyi ah oo lagu magacaabo Gurez.

Arbacadii, afar qof oo isku qoys ah ayaa baraf uu ku dilay isla deegaankaas.

Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn

'Boqolaal ku dhimatay' xabsiyo Hindiya ku yaalla

Sanadkii tagay, 10 askeri oo Hindi ah ayaa baraf uu ku dilay deegaan lagu magacaabo Siachen.

Askartaasi mid ka mid ah ayaa la badbaadiyay ka dib markii uu baraf duugay, laakiin Cisbitaalka ayuu ku dhintay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan