Israa'iil oo "qaabileysa 100 ka mid ah caruurta agoonta Suuriya"

Qorshaha waxaa qeyb ka ah in caruurta ay Israa'iil ugu noolaan karaan sidey doonaan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qorshaha waxaa qeyb ka ah in caruurta ay Israa'iil ugu noolaan karaan sidey doonaan

Maamulka Israa'iil ayaa markii ugu horeysay ansixiyay qorshe lagu qaabilayo 100 ka mid ah caruurta agoonta ku noqotay colaadda dalka Suuriya.

Sida ay ku warramayaan warbaahinta Israa'iil, caruurta waxay helidoonaan sharciga deganaanshaha, afar sano ka dib.

Israa'iil waxay horey dagaal kula jirtay maamulka Suuriya, balse waxay hadda u muuqataa inay dhexdhexaad ka tahay dagaalka hadda dalkaasi ka taagan.

Si kastaba, kumannaan qof oo ku dhaawacantay dagaalka Suuriya ayaa horey loogu daaweeyay cisbitaallada Israa'iil.

Suuriya oo Israa'iil ku eedeysay Duqeymo

Diyaaradaha Israa'iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya

Waxaa qorshaha qaabillaada ka mid ah, in agoonta la siiyo guryo, ka dibna waxbarasho loo billaabo, sida uu ku warramay Channel 10 News.

Sidoo kale waxaa loo geynayaa qoysas ay la noolaadaan ama korsado, sida wararka ay sheegayaan.

Israa'iil ayaa sidoo kale dooneysa in ugu dambeyn la qaado qaraabada ugu dhow ee caruurtaas si ay ula midoobaan.

Duqeyntii ugu xumeyd oo ka dhacday Xalab

Carruurta xalab oo xanuunnada dhimirku ku soo badanayaan

Dhowaanahan, Israa'iil waxay daaweysay in ka badan 2,600 oo qof oo ku dhaawacmay colaadda Suuriya.

Dadkaas waxaa lagu kala daaweeyay cisbitaallo ku yaalla gudaha dhulka Israa'iil iyo kuwa ku yaalla buuraha la haysto ee Golan Heights.

Bishii dhammaatay, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu sheegay in dowladdiisa ay eegeyso qaabab ay sare ugu qaadi karto kaalmada daawada ee Suuriya ay siiso.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan