Gabar 16 jir ah oo loo xiray weerar daacish oo ka dhacay Hanover, Jarmalka

Maxkamadda Cele ayaa Safiya ku xukuntay lix sano oo buuxda, taas oo ay codsadeen dacwad oogayaasha Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxkamadda Cele ayaa Safiya ku xukuntay lix sano oo buuxda, taas oo ay codsadeen dacwad oogayaasha

Gabar da'deedu tahay 16-sano ayaa maxkamad ku taalla Jarmalka ay ku xukuntay lix sano oo xabsi ah.

Gabadhaas ayaa lagu cadeeyay inay geysatay weerarkii ugu horeeyay ee uu fuliyo qof taageero ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Safiya S, ayaa markii ay 15 jirka ahayd toorri ku durtay, si xunna u dhaawacday askeri ku sugnaa saldhigga dhexe ee booliska ee Hanover. Askeriga ayaa ka dhaawacmay qoorta.

Dacwad oogayaasha ayaa weerarka ku tilmaamay inay ay amreen, ayna qabanqaabiyeen xubnaha Daacish.

Jarmalka oo xiray nin weerar qorshaynayay

Jarmalka oo indhashareerka laga mamnuucayo

Jarmalka: Nin qaxooti ah oo Facebook dacweeyey

Waxaa lagu helay dembiyo kala ah iskudey dil iyo inay caawisay urur loogu yeeray argagixiso.

Waxaa kaloo lagu helay dembi ah inay dhibaato xun u geysatay askeri.

Qareenkeeda wuxuu ku baaqay in la tuuro eedaha kale ee loo haysto, laguna xukumo waqti yar.

Safiya S, waxa ay haysataa dhalashada Jarmalka, waxayna asal ahaan ka soo jeedaa Moroko.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kiiska Safiya ayaa lagu dhageystay maxkamad ay albaabada u xirnaayeen oo ku taalla Celle.

Sidoo kale, Maxamed Xasan K oo 20-sano jir ah ayaa lagu xukumay laba sano iyo bar ka dib markii lagu helay inuu wax ka ogaa qorshaha weerarka.

Waxaa loo haystaa inuu ku guuldareystay inuu ciidamada ama maamulka wargeliyo si loo xiro gabdha.

Waxaa telefoonkeeda laga helay farriimo muujinaya in weerarka lagu taageerayay daacish.

Mid ka mid ah farriimahaas waxaa loo diray Maxamed Xasan K, ka dib weerarkii Paris ee bishii November, 2015-kii.

Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Nin Suuriyaan ah oo isku dilay xabsi ku yaalla dalka Jarmalka

Waxaa lagu yiri: "Alle ha barakeeyo libaaxyadeena qaaday howlgalka Paris ee shalay".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo:Gaari dad lagu dardarsiiyay suuq ku yaala Jarmalka

Gabadhan yar ayaa booliska u qortay warqad ay raaligelin kaga bixineyso weerarkii ay qaaday.

Sidoo kale intuu socday dhageysiga dacwadda ayey ku celisay raalingelintaas.

Kooxda qareenada ee difaacaya Safiya ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go'aanka maxkamadda.

Qoyskeeda waxay sheegeen in qaladka aysan ayada lahayn, balse la xagjireeyay.

Qareenkeeda, Mutlu Guenal wuxuu ku dooday in "booliska uu yahay midka guuldareystay".

Sharciga quseeya arrimaha gaarka ah ee Jarmalka wuxuu dhigayaa in magaca aabaha ee qofka eedeysanaha inaan la shaacin.

Kiiska Safiya ayaa lagu qaaday maxkamad albaabada ay u xiran yihiin taas oo ay ugu wacantahay da'deeda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan