Shabaab: 57 askeri oo Kenyan ah ayaan ku dilnay weerarkii Kulbiyoow


Ururka Al Shabaab ayaa weeraray xero milateri oo ciidammada Kenya ay dagan yihiin oo ku taalla magaalada Kulbiyoow.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay qabsadeen xeradaas ayna waxyeello wayn u gaysteen ciidammada dalka Kenya oo ay ka dileen 57 askeri.

Afhayeen u hadlay ciidammada Kenya Paul Njuguna ayaa diiday sheegashada Al shabaab laakiin ma uusan sheegin baaaxadda ay la egtahay dhibaatada soo gaartay.

Wuxuu intaas ku daray in uu hawlgalku wali socdo.

Ciidammo shisheeye oo Shabaab weeraray

Rwanda oo lagu dilay rag Al-Shabaab lala xiriirinayo

Al Shabaab ayaase sheegay in ay xayndaabkii xerada ku jabiyeen baabuur ay qaraxyo ku soo rakibeen ka dibna ay weerar ku ekeeyeen.

Ciidammada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ayaa ka mid ah ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM.

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii weerar noocan ah ay Al shababa ku qaaday xeradii milatariga ay ciidammada Kenya ku lahaayeen Ceel Cadde.

Kenya ila iyo hadda kama aysan hadlin khasaarihii ka soo gaaray weerakaasi. Balse kenya ayaa aamusnanata Kenya ka faa'iideystay oo soo saarto muqaallo ay ku sheegyesyo sidii ay wax u dhaceen markii ay Ceel cadde weerareen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Kenya oo wali ka gaabsaneysa weerarkii Ceel Cadde

Si aad ugu soo degsato BBC Somali App Android lifaaqan dhag sii: Google Play store ama kala soo dag Iphone IOS oo lifaaqan dhag sii: APP Store