Tageere Trump oo loo xiray in uu weeraray gabadh Muslim ah

Xadgudub iyo xirid sharcidarro ah ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu soo oogay eedaysanaha weerararka garoonka diyaaradaha ee JFK Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xadgudub iyo xirid sharcidarro ah ayaa ka mid ah waxyaabaha lagu soo oogay eedaysanaha weerararka garoonka diyaaradaha ee JFK

Nin dagan gobolka Massachusetts ayaa lagu soo oogay in uu hadallo nacayb ah ku yiri gabadh Muslim ah isla markaasna uu laadaay iyadoo joogta garoonka JFK oo ay ka shaqayso.

Robin Rhodes oo 57 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu yiri " Trump ayaa idinka oo dhan meesha idinka saari doona, wuxuuna gabadha u diiday in ay ka soo baxdo xafiiskeeda Delta Sky Lounge.

Dacwooyinka uu wajahayo waxaa ka mid ah naycayb sida uu sheegay xeer ilaaliyaha degmada Queens

Haddii eedaymahaas lagu helo wuxuu wajihi karaaa afar sano oo xabsi ah.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan