Turkiga oo ku hanjabay inuu ka bixidoono heshiiskii qaxootiga ee uu Yurub la galay

Maxkamadda Giriiggu waxay sheegtay in ragan aysan xukun caadil ah ku helidoonin gudaha Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxkamadda Giriiggu waxay sheegtay in ragan aysan xukun caadil ah ku helidoonin gudaha Turkiga

Dawladda Turkiga ayaa ku hanjabtay in ay ka noqon doonto heshiiskii ay Midawga Yurub la gashay ee ku aadanaa in dib logu soo celiyo qaxootiga taga Giriigga.

Saraakiisha Turkiga ayaan ku faraxsanayn go'aanka ay maxkamadda sare ku gaartay in aan la tarxiilin sideed ruux oo ka tirsan millatariga Turkiga oo Giriigga u baxsaday Julaay markii uu dhicisoobay isku daygii inqilaabka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in go'aankaasi uu yahay "mid siyaasadaysan" wuxuuna dalbaday in dib loogu noqdo xukunkaas.

Afhayeen u hadlay Midawga Yurub ayaa sheegay in ururku uu kalsooni ku qabo in heshiiskaas qaxootigu uu sii jiri doono.

Ciidamo Turki ah oo Jarmalka iska dhiibay

Sawirro laga qaaday soo galooti oo abaal marin lagu helay

Saddex sargaal oo sare, saddex kabtan iyo labo saajin oo sare ayaa diyaarad qumaati u kacda ugu cararay Giriigga ka dib markii uu dhicisoobay afgambigii dhacay bishii Juulaay ee dalka Turkiga.

Waxay sheegeen in ay noloshooda u baqayaan haddii la masaafuriyo.

Xaakimkii maxkamadda ayaa go'aamiyay in ay u badantahay in raggani aysan maxkamad caadil ah ku heli doonin gudaha dalka Turkiga.