Muslimiinta Myanmar: Runta, beenta iyo Aung San Suu Kyi

Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption UN ayaa sheegtay in Rohingya dhibaato ay kala kulmeen ciidamada

Guddi ay saartay dowladda oo baaritaan ku sameeyay tacaddiga ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya ayaa la filayaa inay daabacaan wixii ka soo baxay baaritaanka.

Waxay ku sharixidoonaan in lagu xadgudbay qowmiyadda Rohingya ama inaan wax dhib ah loo geysan.

Ayadoo saxafiyiinta laga mamnuucay gobolka waqooyiga ee Rakhine, ayaa hadana dowladda Burma waxay isku deyeysaa inay ka hortagto eedaha loo jeediyay ciidamada ee ah inay kufsadeen ayna dileen dad shacab ah.

Hadaba maxay tahay dhibaatada oo geystay dadka Shacabka ee ku nool Rakhine. Falanqeyn ayuu ka qoray Jonah Fisher.


Donald Trump iyo Aung San Suu Kyi waxay isku mid ka yihiin waxyaabo badan oo aadan fileyn.

Hogaamiyayaasha dalalka Mareykanka iyo Myanmar waxay labaduba yihiin 70-jirro u muuqda inay si qaldan u dhaqmeen.

Labaduba waxay leeyihiin timo lagu sheekeysto, wexeyna necebyihiin saxafiyiinta.

Xiriirka xun ee Donald Trump uu la leeyahay warbaahinta si weyn ayaa looga hadlay. Balse Ms Suu Kyi xiriirkeeda saxaafadda waxay noqon kartaa mid layaab leh.

"Haweeneyda", oo ah sida looga garanayo Myanmar, waxay caan ku noqotay magacaas sanadihii 1990-maadkii.

Xilligaas waxay u doodi jirtay xuquuqda aadanaha iyo dimuquraadiyadda.

Xilligii ay militariga geliyeen xabsi guriga, Saxafiyiinta halis ayey u gali jireen si ay ula hadlaan, si loo maqlo sheekadeeda dhiiragelinta leh iyo adkeysigeeda.

Hadda Ms Suu Kyi awoodda ayey haysaa, arrintana sidii hore way ka duwantahay.

Waxay sameysay jago aad u awood badan oo ah "State Counsellor" si ay u fuliso ballenteedii ahayd "inay madaxweynaha ka sareyso".

Sida caadiga ah taasi waxay u muuqataa macnaha ah "sare" inuu u baahan yahay baaritaan xeel dheer.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Aung San Suu Kyi oo ka had;laysay shir

Ms Suu Kyi, weligeed lameysan hadlin warbaahinta Burma, kuwa caalamiga ahna si ka fiirsi leh ayey uga taxdartaa.

Sidoo kale, baarlamaanka ma weydiiyo su'aalo joogto ah, welina ma aysan qaban shir saxaafadeed ayadoo hadda laga joogo 14-bilood, doorashadii dalkaasi.

Hadaba waxaa jirto dacaayad ah in garabka ay ku hayso maalmihii madoobaa ee Burma iyo faafreebkii xilligii xukunkii militariga.

Maxay yihiin Rohingya?

Mid ka mid ah wargeysyada maalinlaha ah ee dowladda ay leedahay ayaa qoray warbixin uu ku beeninayo dhibaatada haysata muslimiinta laga badan yahay ee Rohingya.

Qiyaastii hal milyan oo Rohingya ayaa ku nool Myanmar, waxaana midab takoor lagu hayay tobannaan sano.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, Kuwa ku nool Waqooyiga Rakhine waxay xittaa la kulmeen tacaddi daran oo militariga ay geysanayaan.

Xaqiiqdii inaad aaminto waxa halkaasi ka dhacaya waxay ku xirantahay qofka aad rumeysaneyso, maadaama dowladda ay halkaasi u diiday dhammaan dadka caalamka ka socdo ama baaritaannada sameynaaya.

Dadka qaar waxay sheegayaan in ciidamada Burma ay ku kacayaan isir-sifeyn iyo xasuuq, balse taasi waxaa beeniyay militariga iyo Ms Suu Kyi.

Dowladda waxay sheegtay in howlgalka uu yahay mid lagula dagaallamayo "argagixiso" oo lagu soo qabanayo "mintidiinta Rohingya ee billaabay weerar booliska lala eegtay".

Wareysiyada naadirka ah

Hadaba, la yaab ayey noqotay ka dib markii BBC-da ay heshay warqad ka socotay gudoomiyaha gobolka Rakhine oo loogu ogolaaday inay booqan karaan goobaha codaaladaha ay ka dheceen.

Si degdeg ah ayey koox BBC-da ka socotay ugu duuleen caasimadda gobolka ee Sittwe, ka dibna waxay u jiheysteen dhanka Waqooyiga ee wobiga Mayu, illaa xuduudda Bangladesh.

Ka dib safar afar saacadood ah, iyo muuqaallo laga duubay qowmiyadaha kale ee Burma, waxay gaareen Budhidaung oo u dhow nawaaxiga ay dhibaatada ugu weyn ka jirto.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qaxootiga Rohingya ee Bangladesh ku u qaxay

Nasiib daro, maamulka halkaasi xittaa xannibaad ayuu billaabay. Ka dib kullan ay ku soo dhoweeyeen saxafiyiinta BBC-da, booliska iyo laamaha amniga waxay diideen in safarka uu sii socdo, waxayna u sheegeen in weriyayaasha ay maamulka magaalada la kulmaan.

Markii ay maamulka u tageen waxaa lagu wargeliyay in fasixii la siiyay lala noqday. Safarka ayaa la gaarsiiyay xafiiska Ms Suu Kyi ee caasimadda Naypyidaw, waxaana la soo amray in la hor istaago saxafiyiinta.

ka hor inteysay dib u soo noqon, mid ka mid ah maamulka deegaanka ayaa ogolaaday inuu wareysi bixiyo.

Taasi xittaa waxay ahayd guul yar. Ms Suu Kyi iyo afhayeenkeeda way diideen dhammaan dalabaadkii ahaa inay ka hadlaan xaaladda Rakhine, tan iyo markii ay bilawdeen rabshadaha ugu dambeeya.

Image caption Farriin ay is dhaafsadeen weriyaha BBC-da ee Burma iyo afhayeenka Ms Suu Kyi. Balse ma aysan aqbalin dalabka ah inay wareysi siiyaan BBC-da.

Htut Kyaw waa Budha Burmese ah kaas oo ku noolaa waqooyiga Rakhine 10-kii sano ee la soo dhaafay. Waxaa iska muuqatay in asiga iyo kuwa kaloo badan ay aamisan yihiin in dembiyada la sheegay in loo geystay Rohingya ay yihiin kuwa la been abuuray.

"Waxba ma qarineyno," ayuu yiri. "Dowladda qaran way sheegtaa xaqiiqda arrintan ku saabsan. Diinta Budhaha ma qabto kufsi. Waxaasi waa iska kutiri-kuteen."

Caqabadaha xaqiijinta

Dhibaatada Ms Suu Kyi ayaa muujineyso in arrinta ay ka badan tahay been abuur. Saxaafadda iyo hay'adaha gargaarka looma ogola inay deegaanada dhibaatada ka jirto booqdaan.

Dadka Rohingya ayaga ayaa ka warramaya waxa ku dhacaya iyo tacadiga ay la kulmayaan.

Sheekada halkaasi ka taagan ayaga ayaa ku duuba telefoonada Smartphone-ka ah, waxayna u diraan dadka ku sugan dalka dibaddiisa.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaa baraha bulshada lagu baahinayay muuqaallo badan oo laga argagaxo.

Waxaa ku jiray dad sheegaya in la kufsaday, maydadka caruur daadsan dhulka iyo guryo la gubay.

In la xaqiijiyo way dhib badantahay, balse, waa dhibaato ka dhici karta Rakhine.

Aalaaba waxaa jiro dhowr dhinac oo isku meel ku sugan iyo hay'ado ku xiran dadkaasi oo soo bandhiga waxkastoo ku dhaca Rohingya.

Waxaa mararka qaar dhacda in warbaahinta qaranka ay soo bandhigaan dhacdooyiin ayaga u gaar ah oo ay sameeyeen.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muslimiinta laga badan yahay ee Rohingya ee ka qaxay Myanmar

Ma dhibyara in tirada la xaqiijiyo, balse sida ka muuqato muuqaallada waxaan shaki ku jirin in waxyaabo laga naxo ay halkaasi ka dhacayaan.

Jawaabta ay bixinayaan Ms Suu Kyi iyo saraakiisha dowladeeda waxay muujineysaa inay meelaha qaar isku mid ka yihiin Mr Trump.

Waxa warbaahinta ay soo bandhigeyso

Maamulka marka hore waxay beeninayaan cadeynta xad dhaafka ah ee ku saabsan Rohingya ayagoo ka qaadanaya dhowr dhacdo oo ay suuragal tahay inay warbaahinta si xun u sheegto.

Tusaale ahaan, Muuqaal ku saabsanaa cunug yar oo la jirdilayo ayaa la sheegay inuu ahaa Rohingya, balse wuxuu ahaa Cambodian.

Wuxuu galay bogga koobaad ee warbaahinta dowladda, inkastoo dhowr jeer laga noqday warkaas.

Mid taa la mid ah, Turjumidda hadalka Ms Suu Kyi oo lagu sheegay inay ku qososhay xaaladda Rohingya ayaa xittaa sababtay xanaaq ba'an iyo halis ah in tallaabo sharci ah la qaado.

Mararka qaar, dacaayadda ay soo bandhigaan xubnaha dowladda Ms Suu Kyi ayaa ah wax lala yaabo.

Lahaanshaha sawirka SCOIC/Facebook
Image caption Xafiiska Ms Suu Kyi ayaa Facebook ku baahiyay sawir laga qaaday filim uu jilay Rambo, kaas oo lagu sheegay jirdilka Rakhine.

Horraantii bishan January, xafiiska Ms Suu Kyi ayaa baahiyay sawir laga qaaday filim uu sameeyay atooraha caanka ah ee Sylvester Stallone ee loo yaqaano Rambo.

Waxay dowladda u isticmaashay tusaale ahaa wararka beenta ah ee Rohingya ay baahinayaan si ay ugu xoojiyaan dhacdooyiinka ay ka warramayaan.

Ma cadda cidda sidaas doqonnimada ah u daabacday sawirkaasi. Waxaase suuragal ah in qof shaqsi ah oo Facebook iska isticmaala uu sameeyay.

Hadaba dacaayadda mala joojin karaa?

Waxaa jiro dalal ay Britain ka mid tahay oo ka shakisan Ms Suu Kyi, ayagoo muujinaya sida weli aysan u cadeyn inuu ka jiro isbedelka Myanmar iyo saameyntii diktaatooriyadda.

Si kastaba, Ms Suu Kyi weli xafiiska way ku cusubtahay, ayadana ma maamusho militariga ama booliska.

Waxa loo maleynayaa inaysan joojin kari dhibaatada Rakhine xittaa haddii ay isku deyday.

Dad badan ayaa aaminsan inay tahay qofka ugu wanaagsan xilligan ee Burma.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Ronhingya

Dhibaatada kale ee taagan waxay tahay, ayadu way joojin kartaa dacaayadaha la baahinayo.

Wasiirada ay ayada madaxa u tahay iyo saraakiisha ay sida tooska ah u shaqaaleysiisay ayaa ku ciyaaraya xaaladda.

Waxay beeninayaan dhibka ay sheeganayaan dad dulman, waxayna ku celcelinayaan inay been tahay xaqiiqada laga sheegayo xadgudubka ciidamada.

Waa isla ciidamadaas kuwii laga duubay muuqaal ayagoo gubaya tuulooyiin, dumarka qowmiyado kala duwan ee Myanmar na kufsanaya.

Cadaadis dibadda ah, Ms Suu Kyi wuxuu ku qasbay inay sameyso guddi baaritaan ku sameeyan xadgudubyada.

Guddigaas waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sheegaan wixii ka soo baxay baaritaanka.

Waxaa hogaaminaya madaxweyne ku xigeenka Myint Swe, sarkaal horey ciidamada uga mid ahaa. sidaa darteed waxaa la filayaa in la qariyo xaqiiqada.

Waxa sida dhabta ah uga dhacaya Waqooyiga gobolka Rakhine waa suuragal inaan weligeed si run ah loo soo bandhigin.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan