Heshiis laga gaarayo xiisadda J.D Koongo

Joseph Kabila Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Joseph Kabila ayaa talada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo hayay 16-kii sano ee lasoo dhaafay

Dowladda iyo ururrada mucaaradka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa la filayaa in maanta ay kala saxiixdaan heshiis ay ku qeybsanayaan awoodda dalkaasi.

Labada dhinac ayaa muddo bilo ah ku dhawaa in ay saxiixaan heshiiskan, balse waxaa jiray arrimo ay isku mari la'aayeen.

Heshiiska oo ay garwadeen ka yihiin hogaamiyayaasha kaniisadaha dalkaasi, ayaa lagu qeexay jadwalka uu xilka uga degayo madaxweyne Joseph Kabila, iyo samaynta dowlad cusub oo kumeelgaar ah.

Waxaa sidoo kale ku xusan in xukuumadda cusub ay yeelanyso in ka badan 50 wasiir iyo ra'iisul wasaare ay soo xulayaan axsaabta mucaaradka.

Madaxweyne Joseph Kabila ayaa talada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo hayay 16-kii sano ee lasoo dhaafay.

Tobanaan qof ayaa ku dhintay rabshado dalkaasi ka socday muddo saddex bilood ah, ayadoo dibed baxayaal ay ugu baaqayeen madaxweyne Kabila in uu xilka ka dego.