Trump oo ku adkaysanaya mamnuucitaankii safarada

Qareenno ayaa ka qaybgalay mudaaharaadka adeeg bilaash ah ayayna bixinayeen Lahaanshaha sawirka .
Image caption Qareenno ayaa ka qaybgalay mudaaharaadka adeeg bilaash ah ayayna bixinayeen

Maamulka Trump ayaa ku adkaysanaya mamnuucitaaanka qaxootiga ka imanaya todobo dal inkastoo maxkamadi go'aan ka soo saartay dad badanna ay ka mudaaharaadayaan arrintaas.

Trump oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in dalku galka la siin doono marka diyaariyo hannaan ammaanka la sugay, wuxuuna diiday in Muslimka laga mamnuucay Maraykanka.

Go'aankaas ayaa aad loo cambaareeyay

Xeer ilaaliyeyaasha guud ee lix iyo toban gobol oo dalka Maraykanka ku yaalla ayaa sheegay in amarkani uusan waafaqsanayn dastuurka dalka Maraykanka.

Xeer ilaaliyeyaasha Faderaalka ayaana hakiyay in la masaafuriyo dadka haysa dal kugalka.

Amarka uu jimcihii saxiixay Trump ayaa hakiyay dhamaan barnaamijyadii uu Maraykanku ku qaadan jiray dadka qaxootiga ah muddo 120 maalmood ah. Waxaana si joogto ah loo joojiyay qaxootiga Suuriya, waxaana la joojiyay in ay Maraykanka aadaan dhamaan muwaadiniinta todobo dal oo Muslimiin u badan.

Kuwii duulimaadka ku sii jiray marka uu amarkaasi soo baxay ayaa la xiray markii ay soo dageen xataa haddii ay wateen dal kugal sax ah ama ruqsado kale oo waaxda socdaalku bixisay.

Lama oga tirade dhabta ah ee loo diiday in ay Maraykanka u soo safraan iyaga oo ku sugan garoomada caalamiga ah ee dalka Maraykanka.

Kumanyaaal dad ah ayaa isugu soo baxay garoomada dalka Maraykanka Sabtidii, waxaana ka mid ahaa qareeno si bilaash ah ugu adeegayay dadkii uu amarkaasi saameeyay.

Mudaaharaadyo dheeri ah ayaa la qabtay Sabtidii kuwaas oo uu ka mid ahaa mid lagu qabtay banaanka Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka, iyo dhismaha Trump Tower ee magaalada New York.