Gabdhaha oo lix jir ku dareema in ay ka 'haybad yaryihiin' wiilasha

carruur Lahaanshaha sawirka Thinkstock

Gabdhaha ayaa lix jir ku billaaba in ay isu arkaan in ay ka haybad yaryihiin wiilasha sida ay sheegeen cilmi baareyaal Maraykanka u dhashay.

Waxay sheegeen in natiijadaasi ay sababi karto in ay saamayso xirfadahooda mustaqbalka.

Cilmi baadhistan oo uu sameeyay Journal Science ayaa markii hore lagu ogaaday in 400 oo carruur oo wiilal iyo gabdho isugu jira ay labadooduba "la cajab sanaayeen" jinsigooda ama lab iyo dhadig midka ay yihiin.

Laakiin sanad ka dib waxaa soo baxay kala duwanaan jinsigooda la xiriira.

Koox ka kala socota jaamacadaha Princeton University, New York University iyo University of Illinois ayaa sheegay in ay u muuqato in ay soo baxeen waxa ay gabdhuhu iska aaminsan yihiin.

Waxyaabaha ay ka shakiyeen in ay arrintaas gacan ka gaysanayso waxaa ka mid ah macallimiinta, waalidka, iyo carruurta kale.

Cilmibaareyaasha ayaa tijaabooyin ku sameeyay carruur lix jirro iyo toddobo jirro ah oo shan shan loo qaybiyay

Lahaanshaha sawirka Thinkstock

Mid ka mid ah tijaabooyinka lagu sameeyay ayaa ahayd in ay akhriyaan sheeko ku saabsan "qof aad iyo aad cajiib u ah" laakiin laan la cadaynin qofkaasi ruuxa uu yahay.

Markaas ka dib ayaana loo keenay afar sawir oo labo wiilal yihiin labana gabdho yihiin waxaana la waydiiyay in ay qiyaasaan midka ay sheekadu ku saabsan tahay.

Markay shan jirka ahaayee wiilashu wiilasha ayay u maleeyeen gabdhuhuna gabdhaha 75%.

Laakiin markan oo ay lix jir noqdeen wiilashu wali wiilasha ayay dooranayaan halka gabdhuhuna u janjeersadeen in ay wiilasha doortaan.