Soomaali ku nool Malesiya oo uu saameeyay amarka Trump
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku nool Malaysia oo uu saameeyay amarka Trump

Qaxooti badan oo Soomaali ah oo sugayay in ay dib u dejin ka helaan dalka Maraykanka, ayaa waxaa saameeyay amarka madaxweyne Trump uu si kumeelgaar ah ugu hakiyay qaadashada dadkaasi dhibaataysan.

Waxaa qaxootigaasi ka mid ah kuwo sugayay in ay u dhoofaan Maraykanka, oo xataa xir-xirtay boorsooyinkoodii safarka.

Saynab Maxamed Sheekh Axmed waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Malaysia, xilligan la joogana ku haminaysay in ay nolal cusub ka bilowdo Maraykanka.

Waxa ay weriyaha BBC Ciise Xaaji Cabdulle uga warrantay qaabka looga joojiyay duulimaadkii ay ku tegi lahayd Maraykanka.