Le Pen oo diiday in ay celiso lacagta Midawga Yurub

Marine Le Pen ayaa diiday in ay wax khalad ah samaysay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Marine Le Pen ayaa diiday in ay wax khalad ah samaysay

Hogaamiyaha xisbiga Midg fog Marine Le Pen ayaa sheegtay in aysan u celin doonin Baarlamaanka Yurub 321,000 oo doolar oo la sheegay in ay si khalad ah u isticmaashay.

Baarlamaanka ayaa sheegay in ay si khalad ah u isticmaashay lacagta ay siisay qof ka shaqeeya xafiiska ugu wayn ee xisbigeedu ku leeyahay magaalada Paris.

Haweenaydan oo u sharaxan madaxweynenimo ayaa sheegtay in ay dhibane u tahay aarsi siyaasadeed.

Le Pen ayaa haysatay ilaa iyo saqdii dhexe ee Talaadada si ay lacagtaas u celiso.

Maadaama oo aysan sidaa yeelina baarlamaanku wuxuu sheegay in uu siin doono kala bar mushahaarkeeda xubinimada Baarlamaanka Yurub ayna sidoo kale waayi doonto gunooyinka kale ee ay heli lahayd.

Faransiiska: Le Pen oo sheegtay in guusha Trump horseedayso in iyadana la doorto

Mucaaradka Faransiiska: Soogalootiga yaan waxbarasho bilaash ah la siinin

Le Pen ayaa ka mid ah dadka ugu cadcad doorashada madaxweyne nimada ee loo balan sanyahay bisha afraad iyo tan shanaad.

Ra'yi aruurinta la sameeyay waxay muujinayaan in ay u badan tahaya in ay isu soo haraan iyada iyo Francois Fillon oo u tartamaya xisbiga muxaafiska ah ama Emmanuel Macron.