Boqol qof oo Mareykanka laga soo tarxiilay oo ku xaniban garoonka Itoobiya

BBV

Ilaa iyo boqol qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku xaniban yihiin garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii laga soo tarxiilay Mareykanka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka itoobiya.

Waxay daba joogtaa ka dib amar ka soo baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee uu ku hakiyay barnaamijka qaabiladda qaxootiga iyo xayiraad socdalka dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Liibiya iyo Suudaan.

Dadkan la soo tarxiilay ayaa garoonka ka dagay xalay gelinkii dambe.

Amarka uu madaxweyne Trump soo rogay waxaa ka mid ah:

  • In la hakiyo qaxootiga Mareykanka soo galaya 120 maalmood
  • In la mamnuuco qaxootiga Suuriya "illaa is bedel muhiim ah" laga sameynayo
  • In 90-maalmood la joojiyo dadka ka soo safraya dalalka Ciraaq, Suuriya iyo dalalka noqday "meelaha laga walaaco"
  • In muhiimadda la siiyo codsiyada qaxootiga oo ku saleysan diin - waana in qofka uu ka soo jeedo dad diin ahaa looga tiro badan yahay dalka ay ka soo jeedaan.
  • In la qaabilo 50,000 oo qaxooti sanadkan 2017-ka, taas oo kala bar la yar tiradii Obama uu qaadi jiray.