Talyaaniga iyo Liibiya oo iska kaashanaya xakameynta tahriibka

Tahriibayaal Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kumannaan qof ayaa ka gudba badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

Ra'iisul wasaaraha Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa sheegay in uu heshiis lagu joojinayo dadka kasoo tahriiba Liibiya la galay dhiggiisa dalkaasi.

Mr Gentiloni ayaa sheegay in uu ra'iisul wasaaraha Liibiya, Fayez Serraj, kulan kula qaatay caasimadda Rome, ayna labada dhinac ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaallanka kooxaha dadka tahriibiya.

Talyaaniga ayaa dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Liibiya ugu deeqay lacag, tababar iyo qalab, si ay u joojiso muhaajiriinta dalkaasi uga soo gudba Yurub.

Ra'iisul wasaare Gentiloni ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Midowga Yurub ee maanta ku shiraya Malta in ay qaadaan tallaabo taa la mid ah si loo xakameeyo dadka badda Mediterranean-ka isku biimeeya si ay Yurub u gaaraan.