Ururka Ka Joog oo diiday deeq uu Maraykanku siin lahaa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururka Ka Joog oo diiday deeq uu Maraykanku siin lahaa

Urur ka shaqeeya in dhalinyarada Soomaalida Maraykanka aanay ku biirin ururada xagjirka ah, ayaa diiday lacay dhan nus milyan doolar ah oo ay ugu deeqday dowladda Maraykanka.

Ururka Ka Joog ee uu fadhigiisu yahay gobolka Minnesota, ayaa sheegay in go'aankiisu uu gaaray ka dib markii uu arkay sida uu maamulka Trump u beegsanayo Muslimiinta Maraykanka.

Go'aankaasi uu qaatay Ka Joog ayaa waxaa raacay hay'addo dhowr ah oo howlo noocaasi ah ka qabtay gudaha Maraykanka.

Maxamed Farax waa agaasimaha guud ee ururka Ka Joog, wuxuu weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen Shiine uga warramay sababta ay u diideen deeqda lacageed.