Abaarta ka jirta gobollada dhexe oo laga deyrinayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta ka jirta gobollada dhexe oo laga deyrinayo

Abaar ba'an ayaa lagu soo waramayaa in ay haysato dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollo Soomaaliya ku yaalla, gaar ahaan bartamaha, waxaana hadda isa soo taraya qaylo dhaanta ku saabsan dhibaatada abaarta ka dhalan karta.

Mas'uuliyiinta maamulka Ahlu Sunna ee gobolada dhexe ayaa BBC-da u sheegay in xitaa ugaartii iyo shimbirihii ay ku soo qaxayaan magaalooyinka, dadkii reer miyiga ahaana ayba qaarkood xoolihii dhaafeen oo ay soo miciin bideen magaalooyinka.

Guddoomiyaha guddiga abaaraha ee maamulkaasi Yuusuf Xasan Ciyow ayaa arrintaasi waxa uu uga waramay weriyaha BBC-da Raage Xasan.