Abaarta iyo joojinta dhoofka xoolaha oo saamayn ku yeelatay nolosha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaarta iyo joojinta dhoofka xoolaha oo saamayn ku yeeshay nolosha

Weriyaha BBC Axmed saciid Cige oo safar shaqo ku maraya deegaanada abaarta kululi ka jirto ee somaliland qaarkood ayaa haatan jooga berbera, wuxuuna u kuurgalay abaarta baahsan ee jirta oo misna xoolihii Soomaalida ee loo dhoofin jiray Sacuudiga ay xukuumadda dalkaas joojisay bilo ka hor, iyo saamaynta ay arrimahaas is-bahaystay ku yeesheen dadka, miyi iyo magaalaba.

Warbixintan ayuu nooga Diyaariyey Cige isagoo tegay maxjarka ugu weyn ee Berbera ee xoolaha laga dhoofin jiray oo haatan haawanaaya.