Manchester United oo xaaladda ku sii xumaysay Leicester City

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Zlatan Ibrahimovic oo jira 35 sano iyo 125 maalmood ayaa noqday ciyaaryahankii u da' waynaa ee 15 gool dhaliya hal xilli ciyaareed oo Horyaalka Ingiriiska ah

Kooxda haysata horyaalka Ingiriiska Premier League ee Leicester City ayaa hal dhibic oo kali ah ka koraysa saddexda kooxood ee ugu darojo hooseeya horyaalka oo dhan, ka dib markii ay guuldarro kala kulantay kooxda Manchester United oo marti u ahayd.

Leicester ayaan hal marna badinin sidii uu u billawday sanadkan cusub ee 2017ka.

United oo marti ahayd ayaa labo daqiiqo gudahood labo gool ku dhalisay qaybta hore ee ciyaarta oo sii dhamaanaysay.

Henrikh Mkhitaryan ayaa goosha koobaad ka dhaliyay gool haye Kasper Schmeichel, isaga oo si qurux badan u dhamaystiray baas uu ka helay Chris Smalling.

Zlatan Ibrahimovic ayaa isna fursad uu ka helay Leicester ka faa'iidaystay isaga oo saxiixay gooshiisii 15naad ee uu ka dhaliyo horyaalka Ingiriiska.

Juan Mata ayaa quusiyay kooxdii martigalisay isaga oo gool ka dhaliyay bilawgii qaybta hore ee ciyaarta.

Leicester marnaba uma aysan muuqanin kuwa gool dhalin doona halka laad ee ay goosha ku hagaajiyeena wuxuu ahaa isku day uu qaybtii koobaad ee ciyaarta sameeyay Wilfred Ndidi.

Manchester United ayaa wali ugaarsanaysa sidii ay uga mid noqon lahayd afarta kooxood ee ugu sareeya horyaalka.

Haddana waxay ku jiraan kaalinta lixaad, waxayna hal dhibic ka hooseeyaan Liverpool iyagoo labo dhibcoodna ka hooseeya Arsenal oo kaalintaa afraad ku jirta.