Marooko: 'marnaba aqoonsan mayno Saxaraha Galbeed'

Khariidad

Wasiir ka tirsan dawladda Marooko ayaa sheegay in dalkiisu uusan waligii aqoonsan doonin madaxbanaanida Saxaraha Galbeed

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Marooko Nasser Bourita, ayaa hadalkaas ku sheegay wareysi uu siiyay websiteka Le Desk ee Af faransiiska ku hadla.

Arrintaas ayaa imanaysa todobaad ka dib markii ay dib ugu biirtay ururka Midawga Afrika oo ay isaga baxeen sanadkii 1984tii muran xuduudaas la xiriira awgeed.

Bourita ayaa sheegay in ka mid noqoshada ururka Midawga Afrika in aysan waxba ka badalaynin meeshii ay Marooko taagnayd ee ahayd in Saxaraha Galbeed uu ka mid yahay dhulkeeda.