Biyo la'aan ba'an oo ka taagan Gedo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo la'aan ba'an oo ka taagan Gedo

Abaaraha ka jira deegaanada Soomaalida ayaa waxay qaarkood gaareen in gabi ahaanba la waayo biyihii la cabayay, dhulka sida weyn looga dayrinayo waxaa ka mid ah gobolka Gedo oo xoolo-dhaqato badan ay la rafaadsan yihiin saamaynta abaaraha.

Salaadiinta deegaanadaasi ayaa hadda ka cabanaya dhibkan jirra. Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo ka mid salaadiinta gobolka Gedo ayaa ku baaqaya in la gargaaro dadkan tabaalaysan, Cabirisaaq Xaaji Catoosh ayuu u waramay.