Baarlamaanka Israa'iil oo meelmariyay sharci muran dhaliyay

Deegaamaynta Israa'iil ayaa la kulantay cambaarayn caalami ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Deegaamaynta Israa'iil ayaa la kulantay cambaarayn caalami ah

Baarlamaanka Israa'iil ayaa meelmariyay sharci muran dhaliyay oo lagu ogolaanayo in 4,000 oo guri laga dhiso Daanta Galbeed ee la haysto.

Sharcigan waxaa aqbalay 60 waxaana ka so horjeedsaday 52.

Dadkii lahaa dhulkaas ee Falastiiniyiinta ahaa ayaa la siin doonaa lacag magdhaw ah ama dhul kale ayaa loogu badali doonaa.

Madaxwaynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa meel dabacsan ka istaagay arrinta deegaamaynta Israa'iil marka la barbardhigo madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, inkastoo arrintaas ay sababtay ka soo horjeedsi badan oo caalami ah.

Israa'iil oo dhiirigelin ka heshay maamulka cusub ee Maraykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku dhawaaqday arrimo lagu xoojinayo deegaamaynta oo ay ka mid tahay meelmarinta kumanaan guri oo laga dhisayo dhulka Falastiiniyiinta.

Laakiin todobaadkii hore laamaha ammaanka ee Israa'iil ayaa boqolaal ruux oo Yuhuuda xagjirka ah ka raray deegaanno sharci darro ah oo ay ka daganaayeen dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.

Arrintaas ayaana dabo socotay sanado badan oo uu muran ka taagnaa guryahaas oo laga dhisay dhul ay si gaar ah u lahaayeen dad Falastiiniyiin ah.