Talyaaniga: Soogalootiga Waqooyiga Afrika ka imanaya way labo jibaarmeen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay adeegsadaan doomo aad u tabar daran Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah muhaajiriinta ay adeegsadaan doomo aad u tabar daran

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga ayaa diiwaangalisay in ay aad sare ugu kacday tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo galaya Waqooyiga Afrika.

Ku dhawaad toban kun oo ruux ayaa sanadkan gaaray dalkaasi, arrintaas oo ka dhigan in ay boqolkiiba konton kordheen marka loo eego xiligan oo kale sanadkii hore ee 2016kii.

2500 oo ruux ayaa Talyaaniga gaaray illaa iyo Sabtidii.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Talyaanigu waxay sheegtay in dadka hadda imaanaya ama la soo badbaadiyay ay badankodu ka soo jeedaan Guinea, Nigeria iyo Gambia.

Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub oo shir ku yeeshay Malta todobaadkii hore ayaa ku heshiiyay tallaabooyin wax looga qabanayo qulqulka xad dhaafka ah ee muhaajiriinta.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in tababar iyo kharashaadba la siiyo ciidammada Liibiya ee ilaaliya xeebaha si ay u awoodaan in ay qabtaan doomaha ka soo shiraacda dalkooda.