South Sudan: 'waa in la dilaa askarigii kufsi gaysta'

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa sheegay in la toogto askarigii kufsada qof shacab ah.

Madaxweyne Kiir waxa uu ka hadlayay magaaladda koonfurta galbeed ku taala ee Yei.

Salva Kiir waxa uu wadaa dadaal uu ku doonayo in dalkaasi dib u heshiisiin ay ka dhacdo.

Hadalkan ka soo yeeray salva Kiir ayaa imanaya ka dib markii Qaramada Midoobay ay sheegtay inuu kufsi dhacay.

Qaramada Midoobay waxay sheegaysaa in kufsiga uu ahaa mid qabiil iyo isir nacayn ku salaysan.

Colaadda dalka South Sudan ka dhacday ayaa waxaa ku barakacay saddex milyan oo qof.

Waxayse colaada dalkaasi salka ku haysay dagaal dhexmaray Salva kiir iyo kuxigeenkiisii Riek Machar.

Warkan ku saabsan kufsiga loo geystay shacabka ayaa sii kala fogeeyey wadamada reer galbeedka iyo dowlada South Sudan.