Hay'adda Culimada Soomaaliyeed: Doorashada wax isdabimarin halaga ilaaliyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay'adda Culimada Soomaaliyeed: Doorashada wax isdabimarin halaga ilaaliyo

Iyadoo lagu wado in berri ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota xilka hayn doona ayaa waxaa jira baaqyo ka imanaya hogaamiyeyaasha bulshada oo ku aaddan in la helo doorasho hufan oo xalaal ah.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa qaba in doorashada laga ilaaliyo wax is dabamarin. Faarax Lamaane ayuu uga warramay aragtida uu ururkiisu ka qabo doorashada berri dhacaysa.