Eedeymo musuqmaasuq oo hareeyay doorashada Soomaaliya

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qabanqabada Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya

Hanaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tilmaamay inuu yahay mid u burbursan sidii kaabayaasha dalka oo kale. Ma jiro diiwaanka cod bixiyeyaasha, mana jiro sidoo kale hanaanka kaararka aqoonsiga ee muwaadinnimo.

Doorashooyinka iminka dhacaya ma noqon doonaan kuwii ugu dimoqaraadiyeysnaa, laakinse haddii doorashada madaxweynaha ay todobaadkan hagaagto, ayaa waxaa loo arkaa inay noqonayso tallaabo aad u weyn oo loo qaaday mustaqbalka Soomaaliya .

Boqolaal ciidammada ammaanka aya ku sugan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda oo la xiray. Waxaa sidoo kale la hakin doonaa duulimaadyada maalinta Arbacada ah ee ay doorashadu dhaceyso.

Lahaanshaha sawirka AFP

Mid ka mid ah walaacyada ugu weyn ee hareeyay doorashadan ayaa ah Musuqmaasuqa. Wax is daba marin xoog leh ayaa la sheegayaa in ay ka dhacaday doorashadii baarlamaanka marakaasoo xildhibaannada qaarkood la sheegay inay codadka iibsadeen. Khubaro ayaa ka digaya in musuqmaasuqu uu wiiqi karo kalsoonidii muwaadiniinta, kuwaasoo horeba aan ugu faraxsanayn inaysan toos u dooranin madaxweynaha.

''Way ka fiicantahay doorashooyinkii horay u dhacay, balse shacabka Soomaaliyeed waxay sugayaan wax ka fiican doorashadan. Waana la sameyn karay runtii oo wakhti fiican oo lagu sameeyo ayaa la haystay'', ayuu yiri Mursal Saney oo ka tirsan machadka Heritage.

Waxaa cabsi laga qabaa in kooxda Al- Shabaab ayaa soo qaado weerar inta ay socoto doorashada.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa qof kaliya ka dooran doona dhowr iyo labaatanka murashax ee dhamaantood ragga ah ee doonaya inay noqdaan madaxweynaha soo socda.

Si haddaba ay doorashadan u dhacdo ayaa 135 oday-beeleed waxay soo xuleen in ka badan 14,000 oo wakil oo dalka oo dhan ka kala yimid.

Wakiillada ayaa dabadeed waxay doorteen xubnaha aqalka hoose , ayadoo xubnaha aqalka sarena ay soo doorteen ergooyin fariistay xarumaha maamul goboleedyada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Hay'adda Culimada Soomaaliyeed: Doorashada wax isdabimarin halaga ilaaliyo

Guud ahaan 329 xildhibaan ayaa la soo doortay, ayaga ayaana iminka noqonaya kuwa madaxweynaha soo socda soo dooran doona.Dumar badan ayaa qayb ka noqonaya hanaanka doorashada, kuwaasoo ah ilaa 26% codadka baarlamaanka.

Labo dumar ah oo ay ka mid tahay Faaduma Dayib, kuwaasoo hore u sheegay inay doonayaan inay madaxweynenimada u tartamaan, ayaa ka laabtay.

Dagaallo soconayey ku dhawaad 30 sano ayaa dalka burburiyey, ayadoo qabaa'ilkuna u dagaallamayaan sidii ay Soomaaliya u koontarooli lahaayeen.

Dadka Soomaaliyeed waxay iminka rajo ka qabaan in haddii doorashooyinkan hagaagaan ay ku xigi karaan kuwo kale oo la qabto 2020, waxaase ka horraynaya in la helo madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya.