Doorashada Soomaaliya: tirinta codadka wareegga labaad oo billaabatay

Qaar ka mid ah xildhibaanada maatna dooran doona hogaanka Soomaaliya
Image caption Qaar ka mid ah xildhibaanada maatna dooran doona hogaanka Soomaaliya

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa billaabay codeynta doorashada madaxtinimada oo dhowr jeery horay dib loogu dhigay. 328 xildhibaan oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ku sugan hoolka codeynta.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in hal xildhibaan oo xanuusan uu maqan yahay.

Kuwa ku lugta leh codeynta waxay qabaan kalsooni, iyagoo ku macneeyey talaabo muhiim ah oo horey loo qaaday waddan in muddo ah deganaansho la'aan ahaa kaas oo ku jira liiska madaxweyne Donald Trump ee xayiraadda safarka todobo waddan oo dadkoodu u badan yihiin Muslimiin.

"Dhamaanteen si wanaagsan ayaan ugu diyaarsannahay doorashada madaxweynaha cusub, waa tijaabo dimuqraadiyad curdan ah" sidaa waxaa yiri Axmed Cali oo ah xildhibaan.

Wareegga labaad waxaa isugu soo haray

Xasan Sheekh Maxamuud - 88 cod

Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 72 cod

Shariif Sheekh Axmed - 49 cod

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke - 37 cod helay ayaase iskii uga haray doorashada

Baasaboor Ajnebi ah

Dhowr hoobiyayaal ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah caasimadda xalay.

Madaxweynaha waxaa dooran doona 275 xildhibaan oo uu ka kooban yahay golaha sharci dajinta iyo 54 xubnood ee aqalka sare.

In badan oo ka mid ah 22 musharrixiinta madaxweyne waxay haystaan baasabooro shisheeye. Waxayna intooda dban ku nool yihiin waqooyiga Ameerika iyo Yurub.

Eedeymo musuqmaasuq oo hareeyay doorashada Soomaaliya

Ammaanka magaalada Muqdisho oo la adkeeyay maalin ka hor doorashada

Faragelin

Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu raadinayaa in dib loo doorto, laakiin musharaxiinta ka soo horjeeda oo uu ku jira ra'isalwasaaraha Cumar cabdirashiid ayaa ku eedeeyey wadamadda dariska ah inay faragalin ku hayaan hannaanka doorashadda iyagoo garab siinaya musharaxiin gaar ah.

``Wadamadda dariska ah waa inay dhawraan madaxbannaanideenna aynna joojiyaan faraha ay kula jitaan arrimaheenna" ayuu yiri Ra'isalwasaaruhu isagoon magacaabin dalalkaas.

Wadammo Muslimiin ayaa baadigoobaya saaxiibtinimo dolwadda Soomaaliya waxaa ka mid ah Turkiga oo maalgaliyey wadanka, Imaaraadka Carabta & Qadar ayaa taageeraya musharaxiin kala duwan.

Image caption Caruurta caasimadda oo garoon lagu ciyaaro ka dhigtay wadooyinkii mashquulka badnaan jiray

Inkastoo Matt Bryden, agaasimaha hay'adda cilmibaarista ee Sahan ahna qabiir siyaasadda Soomaaliya annu rumaysnayn in hannaanka doorashadu uu noqon karo xor iyo xalaal, haddana wuxuu sheegay in uu yahay mid ka fiican arrimo kale.

``Way jiraan warar lagu kalsoon karo, waxaa qabaa in si fiican loo taaban karo eedeymaha musuqmaasuq, cagajugleyn, xadgudub. Laakiin aasaasiyan weli waa talaabo hor-u-socod ah" ayuu yiri Bryden

Tartan adag

Waxaa kale oo uu yiri "Jid kale wuxuu ahaan lahaa inaan la helin isbadal guud ahaan, xalaadaas oo Soomaaliya dib ugu celin lahayd burbur, sidaad darteed ma ahan wax qurxoon, Laakiin tan [Doorashada] talaabo loo qaaday jihada saxda ah waana laga yaabaa inay tahay sida ugu fiican ee aan rajeynaynno heerkan".

Kuwa badan oo Soomaaliya ku sugan ayaa filayaa tartan aad loogu loolamo kaas oo la filan karo wareegyo dhawr ah oo u dhaxeeya labada musharax ee ugu codadka badan.

Boorar midabyo badan leh oo ka muuqda caasimaddan xeebta dhacda ayaa bixinaya dareenka ah in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee Arbacada dhacaysa mid la mid ah kuwa kale, taasi waa mid xaqiiqda ka fog.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Qabanqabada Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya

Muqdisho ayaa kala xiran, sababta rabshadaha ay sameynayaan kooxda Islaamiyiinta ee Al-Shabaab. Garoonka diyaaradaha ayaa xirnnaan doona, codbixinta loo gaaryeelay iyadoo aad loo ilaalinayo amniga xaruntii hore ee ciidamadda cirka, cabsi laga qabo weerraradda ayaa goor horeba dib u dhigay codbixinta tiro ka dhawr jeer.

Iibsiga codadka

Laakiin qaar kormeerayaasha ah waxay ka walwalsan yihiin sida ay u noqon karto mid lagu kalsoonnaan karo.

Heerka kala iibsiga codadka, musuqmaasuqa iyo caga-jugleynta waa walaaca haysta wadan hay'adda caalamiga ah ee hufnaanta ay ku qiimaysay kan ugu musuqa badan aduunka.

Laakiin qaar kormeerayaasha ah waxay ka walwalsan yihiin sida ay u noqon karto mid lagu kalsoonnaan karo.

Image caption Madaxweynaha waxaa dooranyo xubnaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

Mar horeba Hanti-dhawrka guud ee Qaranka Nuur Jimcaale Faarax wuxuu sheegay in labada aqal ee Baaralamanka ee dooran doonna Madaxweynaha, midkiiba ay ku baxday 1.3 milyan oo doolar.

Beesha caalamka sidoo kale waxay muujisay walaac wayn oo ay ka qabto doorashada, Xafiiska hawgalka caawinta Soomaaliya ee Qaramada Miodoobay ayaa xusay tiro ka mid ah xaaladaha foosha xun ee qorshaha doorashada oo ay ka mid tahay in kuraas loo qoondeeyey musharraxiin haween kaliya ah ay ugu dambeyntii qaateen musharaxiin rag ah.

Rabshado, cagojugleyn iyo laaluush ayaa harreeyey qorshaha sida uu sheegay hawlgalka Qaramada Midoobay oo sidoo kale cambaareeyey go'aanka ah in musharaxiinta la eedeeyey aan lagala noqon xubinnimadda.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Hay'adda Culimada Soomaaliyeed: Doorashada wax isdabimarin halaga ilaaliyo

Si loo xaqiijiyo doorashada Arbacda inay qabsoonto kumannaan ciidan ah ayaa lagu daadiyey wadooyinka Muqdisho , waxaa la xannibay gaadiidka wadooyinka waa wayn taas oo loola dan leeyahay in lagu dhimo qatar weerraro ay gayustaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, kuwaasi oo ku hanjabay inay carqaladayn doonnaan doorashada.

"Dabcan waan fahamsanahay sida xaaladdahan adkeynta amaanka ay u saameeynayaan nolasha dadka, Balse ma dhuminaynno fursadaha xaqiijinta amniga doorashada" ayuu yiri Cali Maxmauud oo ah Korneyl ka tirsan Booliiska oo taagnaa bar ciidan iyadoo ciidamaddu baarayaan gawaarida iyo rakaabka.

Natiijada doorashada waxaa lagu wadaa in la shaaciyo isla maanta.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: 'Musuq iyo handadaad' hareeyay doorashada Soomaaliya