Qadar oo 500 milyan oo doolar ku kharashgaraysa Koobka Adduunka todobaad kaste

Qadar Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dawladda Qadar ayaa ku dhawaad 500 milyan oo doolar todobaad kaste u isticmaasha mashaariicda loogu diyaargaroobayo martigelinta Koobka Adduunka ee 2022, sida uu sheegay wasiirka maaliyaddu.

Cali al-Emadi ayaa sheegay in uu filayo in saddex ilaa afar sano ay sii socon doonto isticmaalka lacagtaas, maadaama oo la dhisayo garoomo cusub, wadooyinka gawaarida, khadad tareen iyo isbitaallo.

In kabadan 200 oo bilyan oo doolar ayuu adeegsan doonaa dalkaas qaniga ku ah shidaalka.

Laakiin Cali ayaa diiday in qorshahani 2022 uusan noqon doonin Koobkii ugu qaalisanaa ee adduunka soo mara.

Koobkii Adduunka ee Brazil lagu qabtay 2014kii ayaa lagu waramay in ay ku baxday 11 bilyan oo doolar, Ruushka oo martigalinaya Koobka Adduunka 2018kana wuxuu kordhiyay lacagtii ay ugu talagaleen oo ahayd 321 milyan oo doolar iyagoo ka dhigay 10.7 bilyan oo doolar.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wasiirka maaliyadda ee Qadar Cali al-Emadi