Hambalyada Farmaajo oo iska soo dabo dhacaysa

Saddexd madaxweyne oo xilka si nabad ah isugu wareejiyay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saddexd madaxweyne oo xilka si nabad ah isugu wareejiyay

Waxaa iska soo dabo dhacaysa hambalyada loo jeedinayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay hantay hogaanka dalka oo loolan adag loo galay.

Hambalyadaasi waxaa u horeeyay madaxwaynihii xilku ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay habka doorashadu u dhacday, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii dimuqraadiyadda.

Dad badan ayaan marnaba filanaynin in ay indhahooda ku arkaan madaxweyne la doortay iyo labadii xilka uga horaysay oo gacmaha is wada haysta.

Beesha caalamka

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in beesha caalamku ay aad u danaynayso la shaqaynta madaxweynaha cusub, dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleeyada sida jawaab looga bixiyo caqabadaha jira.

Dhanka kalana dawladda Maraykanka ayaa Soomaaliya ugu hambalyaysay doorashadii Farmaajo lagu doortay, war qoraal ah oo lagu daabacay websiteka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaana lagu sheegay in Maraykanku uu ka dhursugayo dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaaliya ayna iskaashi la yeelan doonaan madaxweynaha.

Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale u hambalyeeyay madaxwaynaha cusub, war qoraal ah oo uu soosaaray xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayuu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay u qabsoontay doorashada horseeday in si dimuqraadiyad ah loo doorto madaxweynaha.

Somaliland

Afhayeenka madaxtooyada Somalilanad Xuseen Aadan Deyr oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa u hambalyeeyay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya, wuxuuna Illaahay uga baryay in uu xilka ku asturo.

Dhinaca kalena afhayeenku wuxuu sheegay "in ay Somaliland diyaar u tahay nabad ku wada noolaasho iyo daris wanaag, wuxuuna ugu baaqay in la wadahadaladii hore ugu socday Somaliland iyo Soomaaliya la sii anbo qaado iyada oo laga leexanayo ayuu yiri dariiqii khaldanaa ee dawladii ka horeysay ku waday hanaanka wada hadalka".

Image caption Xildhibaan Yuusuf Xasan

Masuuliyiinta Soomaalida ah ee Kenya

Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaaliya, waxaa kale oo uu ammaanay sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyay madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Hoos ka dhagayso waraysi ay BBC la yeelatay Aadan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Adan Ducaale oo u hambalyeeyay madaxweyne Farmaajo

Dhanka kalana Yuusuf Xasan oo ah xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamakunji ee ay ka tirsantahay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa bogaadiyay madaxweynaha cusub, wuxuuna sheegay in isaga iyo dadka Soomaalida ah ay farxad wayn u ahayd doorashada Farmaajo.

Shacabka Soomaaaliyeed ee dunida kala jooga

Magaalada Muqdisho ayay ilaa iyo hadda ka socotaa damaashaadyo iyo niyad samida ay shacabku u miijinayaan madaxweynaha cusub ee la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

Image caption Dabaaldegga Muqdisho ee doorashada madaxweyne Farmaajo
Image caption Dibad baxa lagu tageerayo madaxweyne Farmaajo

Xaafadda Islii ayay iyaduna isugu soo baxeen dad badan oo ku faraxsan isbedelka ka dhacay doorashada iyaga oo ay rajo ka muuqato.

Magaalooyin iyo dalal badan oo kale oo caalamka ah ayaa laga soo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ku damaaashaadeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan