Ruushka oo duqayn ku laayay askar Turki ah

Askarta Ruushka Lahaanshaha sawirka Reuters

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa raaligelin bixiyay ka dib markii Ruushku uu duqayn xagga cirka ah ku dilay saddex ka mid ah ciidammada Turkiga oo ku sugnaa gudaha Suuriya, sida uu Turkigu sheegay.

Warkan oo hadda soo dhacay faahfaahintiisa dib ayaan ka soo qori doonnaa.

Ciimmada ayaa taageero siinayay Jabhaddo Suuriyaan ah dadaal ugu jiray sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen magaalada al-Bab oo gacanta ugu jirta kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Ciidamo Turki ah oo Jarmalka iska dhiibay

Ciidamo Turki ah oo lagu dilay Suuriya

Safiirka Ruushka ee Turkiga ayaa toogasho lagu dilay

Turkiga ayaa ku jira dagaalo ay xuduudaha ka wadaan si ay dib ugu riixaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo dagaalameyaasha Kurdiyiinta ee ka agdhaw Xadka Koonfureed ee Turkiga.

Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera labada dhinac ee isku haya Ruushka ayaa wakhtiyadan dambe si wadajir ah duqaymo ugu bartilmaameedsada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.