Feer ka dhacay baarlamaanka Koonfur Afrika

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Xildhibaanada South Afrika oo gacmaha isula tagay

Feer ayey isku billaabeen xildhibaanada baarlamaanka Koofur Afrika ka dib markii mucaaradka ay is hortaageen khudbo uu madaxweyne Jacob Zuma ka jeedin lahaa baarlamaanka.

Xubno ka mid ah xisbiga xagjirka ah ee mucaaradka ee u ololeeya arrimaha dhaqaalaha (EFF), oo dhammaantood xirnaa dhar guduud ah, ayaa feer ku billaabay ciidamada isku deyay inay kal-fadhiga ka saaraan.

Mr Zuma ayaa laba jeer istaagay masraxa oo isku deyay inuu hadalka billaabo, laakiin xildhibaanada mucaaradka ayaa ku buuqay uu u diiday inuu erey dhoho.

Dibadda xarunta baarlamaanka booliska waxay adeegsadeen gaas si ay u kala ceyriyaan taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda oo isu soo baxay.

Jacob Zuma waxaa la degay eedeymo musuqmaasuq iyo nin jecleysi, waxaa sidoo kale si guud loo cambaareeyay qaadka uu dhaqaalaha u maareeyay.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Feer ka bilowday dhismaha baarlamaanka

Hadallo horey uu ugu jeediyay baarlamaanka ayaa sidoo kale lagu buuqay, waxaana laga dalbaday inuu is casilo.

Markii uu galayay dhismaha baarlamaanka shalay, waxaa lagu soo dhoweeyay qeylo ah "Tuug". Mucaaradka uu hogaaminayo Julius Malema ayaa ku oriyay madaxweynaha.

Xildhibaanada ka tirsan xisbiga talada haya ee ANC ayaa dhankooda ku qeylinayay "ANC, ANC, ANC".

Ayadoo ay jireen buuq iyo qalalaaso ayaa gudoomiyaha baarlamaanka Baleka Mbete waxay isku deyday inay rabshada la tacaasho, balse way awoodi waysay.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hogaamiyaha EFF Julius Malema wuxuu ka mid ahaa kuwa dhismaha baarlamaanka xoogga looga saaray
Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Booliska waxay kala ceyriyeen taageerayaasha labada dhinac oo ku dagaallamay dhismaha bannaankiisa

Mr Malema wuxuu ugu yeeray Mr Zuma "Nin aan la sixi karin oo aasaaska ka qurmay".

Wuxuu sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka u sheegay "Anshaxaaga wuu xun yahay. Waxaa tahay qof aan dhameystirneyn, oo degdegaaya, dhexdhexaadna ma ahid".

Ms Mbete waxay ku tiri xildhibaanada buuqayay: "Waan idiin dulqaadanay, waxaan isku deynay inaan fursad idiinsiino si aad u muujisaa aragtidiina, balse waad xad gudubteen."

Ciidamada amniga ayaa gudaha looga yeeray, ka dibna mucaaradka ayey xoog uga saareen kullankii Baarlamaanka.

Xubnaha xisbi kale oo mucaarad ah oo lagu magacaabo Is beheysiga Dimuquraadiyadda, ayaa ka dib ka dareeray xarunta ayagoo ku dhawaaqaya madaxweyne Zuma inuusan u qalmin xafiiska.

Madaxweyne Zuma ayaa ku dhoolla cadeeyay wuxuuna soo afjaray khudbadiisa asigoo ka hadlay dhaqaalaha iyo dhowr arrin oo kale.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Zuma waxaa saaran cadaadis ah inuu is casilo

Jacob Zuma wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah xildhibaanada ka dib markuu amray in 440 askeri la geeyo dhismaha baarlamaanka ka hor intuusan gaarin oo uusan billaabin khudbada.

Mucaaradka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay "shaacin dagaal".

Tan iyo markii ay kuraasta badan heleen mucaaradka EFF, sanadkii 2014-kii, waxay carqaladeeyeen khudbadaha madaxweynaha oo ay ku eedeynayaan musuqmaasuq.

Sanadkii 2015-kii, xubnaha EFF waxaa xoog looga saaray fadhigii baarlamaanka ka dib markii ay isu ekeysiiyeen mudalabyo ama kabalyeeri.


Arrimo ku saabsan Jacob Zuma

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Zuma
  • Ma uusan dhiganin iskuul. Wuxuu ANC ku biiray asigoo 17 sano jir ah
  • Muddo 10 sano ah ayuu kula xirnaa Mandela, jasiiradda Robben.
  • Siyaasigan firfircoon, wuxuu la gilgishay fadeexado ka hor intuusan madaxweyne noqon sanadkii 2009-kii.
  • Madaxweynenimadiisa waxaa hareeyay eedo musuqmaasuq.
  • Sanadkii tagay, Maxkamad dastuuri ah ayaa ku xukuntay inuu dib u celiyo lacagta dowladda ee uu ku dayactiray guri uu ku leeyahay Nkandla
  • Madaxweyne Zuma oo 74-sano jir ah ayaa seddax jeer ka badbaaday mooshin kalsoonida loogala laaban lahaa, sanadkii tagay. Labo waxaa qaaday baarlamaanka, midna xisbigiisa ANC.
  • Waxaa la filayaa inuu ka tagay xisbiga ANC, bisha December, xilka madaxweynahana wuxuu baneyn doonaa ka dib doorashada guud ee 2019-ka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan