Qiimaha shilinka Soomaaliga oo kor u kacay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qiimaha shilinka Soomaaliga oo kor u kacay ka dib markii Farmaajo la doortay

Ka dib markii Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa is bedel uu ku dhacay suuqa sarifka ee Soomaaliya.

Qiimaha dollarka ayaa hoos u dhacay, waxaana sare u kacay qiimaha shilinka Soomaaliga. Adana Bakar Cali oo ka shaqeya suuqa sarifka ee Muqdisho ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay.