Isbuurasho ka dhacday Angola oo ay 17 qof ku dhinteen

Angola Lahaanshaha sawirka .
Image caption Isbuurashada ayaa ka dhacday magaalada Uige

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay isbuuarasho ka dhacay garoon kubadda cagta lagu dheelo, oo ku yaalla magaalada Uige ee waqooyiga Angola, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta deegaankaasi.

Boqolaal qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in ay isbuurashadaasi ku dhaawacmeen, taasoo ka dhalatay markii ay taageerayaal xoog ku galeen garoonka oo loo diiddanaa.

Shilkan ayaa dhacay shalay gelinkii dambe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah taageerayaasha loo diigay in ay galaan garoonka, ka dib markii uu buuxsamay.

Ciyaarta garoonkaasi ka dhacaysay ayaa dhexmartay kooxaha Santa Rita de Cassia iyo Recreativo do Libolo, oo ka wada tirsan horyaalka koobaad ee dalkaasi.

"Dadka ayaa is jiiray, oo qaarkood waa la dulmaray. Kuwa waxyeeladu soo gaartay waxa ay tiradoodu gaartay 76, oo 17 ka mid ah waa ay dhinteen," ayuu agaasimaha cisbitaalka magaaladaasi, Ernesto Luis, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warbaahinta Angola ayaa sheegeysa in dadka dhintay ay ka mid yihiin carruur.

Madaxweynaha Angola, Jose Eduardo dos Santos, ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Recreativo do Libolo.