Trump oo waaxda cadaaladda Mareykanka ku tilmaamay mid baaba'day

Xayiraadda Trump ayaa si weyn loo dhalleeceeyay, waxaana ka dibad baxay kumannaan Mareykan ah Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xayiraadda Trump ayaa si weyn loo dhalleeceeyay, waxaana ka dibad baxay kumannaan Mareykan ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hannaanka cadaaladda ee Mareykanka uu yahay mid baaba'ay.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee uu ku qaado garsoorayaasha joojiyay xannibaadii uu saaray todobo dalal oo Muslimiinta ku badan yihiin.

Trump ayaa dadka ka socda dalalka Muslimiinta ay ku badan yihiin ku soo rogay xannibaad dhanka socdaalka ah dhowaan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Qaxootiga Soomaalida ee Kenya sidey u arkaan go'aanka Trump

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray, wuxuuna soo xigtay wargeys mala awaal sameeyay.

Wargeyska ayaa qoray in 77 boqolkiiba qaxootiga Mareykanka galay ka dib markii xayiraadda la qaaday inay ka yimaadeen todobada dal ee "laga shakisan yahay".

Trump wuxuu arrintaas ku tilmaamay mid "aad halis ugu ah Mareykanka".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump iyo maamulkiisa ayaa markastaa dhalleeceeya wax ay ku tilmaameen "muslimiinta argagixisada ah".

Trump ayaa la filayaa in Isniinta uu soo saaro amarro cusub ee dhanka socdaalka ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Trump oo waaxda garsoorka ku tilmaamay mid baaba'day

Dhanka kale, Iskuul Islaami ah oo ku yaalla Mareykanka ayaa sheegay in naceybka Trump uu u qabo Muslimiinta ay abuurtay jawi aad u xun.

Iskuulkaas ayaa ka diiday mashruuc dowladda ay siisay oo u jeedadiisu ahayd la dagaallanka xagjirnimada.

Aasaasaha iskuulka Bayanee ku yaalla magaalada Claremont ee gobolka California, ayaa sheegay inay diidaan inay dowladda ka qaataan 800,000 oo dollar.

Jihad Turk ayaa sheegay in lacagtaas ay wax u dhibeyso sumcadooda iyo kalsoonida lagu qabo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan