Mareykanka oo "ciidamo dheeraad ah geynaya badda Pacific"

Donald Trump oo sheegay inuu Jabaan difaacayo boqolkiiba boqol . Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Donald Trump oo sheegay inuu Jabaan difaacayo boqolkiiba boqol

Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dalbaday kullan degdeg ah oo Golaha amniga uu isugu yimaaddo.

Baaqaas ayaa imaanayo ka dib markii Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay gantaal nooca ridada dhexe ah.

Gantaalka oo caag ka sameysnaa ayaa badda Japan lagu riday shalay.

Woqooyiga Kuuriya oo "gantaal tijaabisay"

Maraykanka oo u digay Woqooyiga Kuuriya

Kuuriyada Woqooyi ayaa sheegtay in tijaabada ay guul ku dhammaatay.

Waxaa la sheegay in gantaalka uu xambaari karo madaxyada Nukliyerka, uuna leeyahay mashiin meel fog gaarsiin karto oo adag.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Gantaalka la tijaabiyay ayaa loo maleynayaa inuu noocaan la mid yahay

Beesha caalamka ee xulafada la ah Mareykanka iyo Japan ayaa tijaabadaasi cambaareysay.

War ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu ciidamo ku kordhin doono xulafadooda ku sugan badda Pacific-gga.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in laga hortagaayo "cadaawadda Kuuriyada Woqooyi".

Gantaalka ayaa gaaray 500km, wuxuuna ku dhacay badda Japan.

Balse, Koonfurta Kuuriya ayaa sheegtay in qalab cabira ay u dirtay, ayna ogaatay in gantaalka meel intaa ka dheer uu gaari karo.

Kuuriyada Waqooyi oo qarka u saaran inay sameysato gantaal riddo dheer

K/Waqooyi oo "tijaabin rabta nukliyeer kale"

Dadka wax taxliiliya waxay sheegayaan inay rumeysan yihiin in Woqooyiga Kuuriya ay weli sanado ku qaadan karta in ay sameysato gantaal meel fog gaarsiin kara nukliyerka.

Balse hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un wuxuu sheegay in tallaabada ay guuleysatay ayna hadda diyaar u yihiin gantaallo badan.

Dalkaasi ayaa sheegay in gantaalka shalay la tijaabiyay loo riday dhanka hawada si looga ilaaliyo dalalka deriska la ah ee dhankooda madfacaasi loo riday.

Lahaanshaha sawirka KIM HEE-CHUL
Image caption Kim Jong-un ayaa horey u amray tijaabada nukliyer iyo gantaallo

Bishii January, Kim Jong-un wuxuu sheegay inay dhowaan ay soo saaridoonaan gantaal riddo dheer oo madaxyada Nukliyerka gaarsiin kara dhulka Mareykanka.

Balse, Khubarada Mareykanka ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan dhab ahayn oo xilligan aan suuragali karin.

Xilligaasi, Mr Trump wuxuu quursaday Kuuriyada Woqooyi, wuxuuna sheegay "inaysan weligeed dhicidoonin".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan