Farmaajo oo ganacsatada ugu baaqay inay shacabka u naxariistaan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Farmaajo oo ganacsatada ugu baaqay inay shacabka u naxariistaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi farmaajo ayaa la kulmay rugta ganacsiga iyo milkiilayaasha shirkadaha waaweyn.

Kullanka oo ka dhacay xafiiskiisa ku meel gaarka ah ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin in abaarta si wada jir ah wax looga qabto iyo in ganacsatada ay shacabka u naxariistaan.

Wuxuu kullanka yimid xilli sarifka dollarka uu aad hoos ugu dhacay, ayadoo weli qiimaha badeecada uusan is bedelin.

Cabdi Abshir Dhoorre oo ah agaasimaha guud ee Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya ayaa ugawarramay Axmed Xaji Xasan.

Mowduucyada la xiriira