Suudaan oo baadigoobaysa dad qarax ka gaystay caasimadda

Askar Sudaan oo fadhiya meel u dhow xarun ciidan Lahaanshaha sawirka .
Image caption Ciidamada ayaa baaritaan weli sameynaaya

Laamaha ammaanka ee Suudaan ayaa helay waxyaabaha bamka laga sameeyo iyo baasabooro ajnabi, ka dib markii uu qarax ka dhacay dhisme ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Booliisku waxay sheegeen in ay nin dhaawaceen isaga oo isku deyaya in uu rakibo miino.

Waxay sheegeen in uu aaday isbitaal si loogu dabiibo, balse uu isaga tagay ka dib markii ay shaqaaluhu diideen in ay daweeyaan iyaga oon la socodsiinin dawladda.

Ninkaas iyo dad kale ayaa hadda la baadigoobayaa.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in dhismaha uu qaraxu ka dhacay ay daganyihiin Masaari, Soomaali iyo Suuriyaan.

Tobanaan kun oo Suuriyaaan ah ayaa Suudaan tagay tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalkooda sanadkii 2011kii.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan