Ganacsatada Dubaay oo lacag u uruuriyay dadka ay abaarta saameysay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada Dubaay oo lacag u uruuriyay dadka ay abaarta saameysay

Soomaalida waxay billaabeen inay isu gurmadaan. Kuwa gudaha dalka ku sugan iyo qurba joogta ayaa dhaqaale iska uruuriya si ay ugu gurmadaan dadka ay abaarta ku dhufatay.

Magaalada Abu-Dabi waxaa shalay ku kulmay ganacsatada Soomaalida ee halkaasi, waxayna iska uruurinayaan lacag ay ugu talagaleen dadka abaarta ay hayso.

Kulankaasi waxaa qabatay qunsuliyadda Soomaaliya.Ganacsatada kulanka tagay waxaa ka mid ahaa Abubakar Mubaarak Cabdalla oo ka mid ah guddiga ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi Isutagga Imaaraadka Carabta, qadka telefoonka iigu warramay.

Mowduucyada la xiriira