Nin Shiinaha u dhashay oo 50 sano Hindiya ku xayirnaa oo hadda la fasaxay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wang Qi wuxuu ku farxay inuu xubno ka mid ah qoyskiisa uu dib u arko

Nin u dhashay dalka shiinaha oo Hindiya ku xayirnaa in ka badan 50 sano ayaa qoyskiisa dib ula kulmay.

Wang Qi wuxuu ahaa askeri dagaal ku jiray oo si qalad ah uga tallaabay xuduudda, sanadkii 1963-dii, wuxuuna mudadaasi sugayay inuu helo warqado u saamaxi kara inuu dalkiisa dib ugu laabto.

Waxaa jiray diblumaasiyiin Shiinaha u dhashay oo xilliyo kala duwan la kulmay, waxayna u sheegayeen mudadaas in dadaal dib loogu celinayo uu socdo.

Mr Wang waxaa garoonka Beijing ku soo dhoweeyay xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ka dib wuxuu u safray magaalada uu asal ahaan ka soo jeedo ee Xianyang, Waxaanasoo dhoweeyay boqollaal qof oo ku dhawaaqayay "Ku soo dhowoow dalkaaga, askeri, waxaad soo martay safar dhib badan".

Wang Qi wuxuu caasimadda Hindiya ka duulay Jimcihii, waxaana wehliyay qaar ka mid ah caruurtiisa.

Muddadii uu go'doonsanaa wuxuu guursaday xaas Hindi ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa siisay baasabooro qoyskiisa, waxaana loo sheegay inay la safrikaraan Mr Wang haddii ay doonayaan.

Xaaskiisa oo xanuunsan ayaa awoodi waysay inay safarka ku wehliso, balse caruurtiisa waaweyn ayaa horey u sii raacay.

Image caption Ma cadda in Mr Wang uu dib ugu noqonaayo qoyskiisa Hindiya.
Image caption Mr Wang hooyadii waxay dhimatay 2006-dii.

Ma cadda in Mr Wang uu qorsheynayo inuu dib ugu noqdo Hindiya. Looma ogolaan inuu qaato baasaboorka Hindiya muddadii uu dalkaasi ku noolaa, balse wuxuu helay baasaboorka Shiinaha sanadkii 2013-kii.

Wang Qi wuxuu sheegay "in shaqadiisa ay ahayd inuu qadad u bixiyo ciidamada Shiinaha" lana qabsaday xilli uu "si qaldan ugu gudbay" dhanka Hindiya, bishii Janaayo ee sanadkii 1963-dii.

"Waxaa xerada uga baxan sahan, ka dib wadadii ayaan ka lumay. Waan daalay, waana gaajooday. Waxaan arkay gaari ay leedahay hay'adda Laanqeyrta Cas, waxaana weydiistay inay i caawiyaan. Waxay igu wareejiyeen ciidamada Hindiya", ayuu yiri.

Wuxuu todobo sano ku xirnaa xabsiyo kala duwan, maxkamad ayaana siidaysay sanadkii 1969-kii.

Image caption Wang Qi wuxuu ciidamada Shiinaha ku biiray sanadkii 1960-kii

Ka dib booliska waxay geeyeen tuulo lagu magacaabo Tirodi, oo ku taalla gobolka Madhya Pradesh. Looma ogoleyn inuu dalkaasi ka baxo mudadaas.

Wuxuu ka shaqeyn jiray warshad burka sameysa, ugu dambeyna wuxuu guursaday haweeney deegaanka ah. Dadka deriska la ah waxay sheegeen inay "faqri aad u xun" ku noolaayeen.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan