Maraykanka oo cunaqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka Venezuela

Tareck el-Aissami, oo bidix ka muuqda waxaa bishii hore magacaabay madaxweyne Nicolas Maduro Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tareck el-Aissami, oo bidix ka muuqda waxaa bishii hore magacaabay madaxweyne Nicolas Maduro

Dalka Maraykanka ayaa cunoqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Venezuela, isaga oo ku eedeeyay in uu ku lugleeyahay ganacsi daroogo oo caalami ah.

Amarkan ayaa Tareck el-Aissami ku daray liiska dadka doorka wayn ku leh ka ganacsiga daroogada caalamka.

Liiskan waxaa kale oo lagu daray Samark Bello oo ah ganacsade maalqabeen ah oo lagu tilmaamay in uu yahay ninka arrimahaas u hogaamiya Aissami.

Madaxweyne Nicolas Maduro ayaa bishii hore magacaabay Aissami.

Bello durba wax jawaaab ah kama uusan bixinin. Laakiin Aissami ayaa horay u diiday in uu wax calaaqaad ah la leeyahay dambiileyaal.

Xayiraadan ayaa fariisinaysa dhaqaalaha madaxweyne ku xigeenka ee dalka maraykanka yaalla, waxayna ka hor istaagaysaa in uu galo dalka Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Aissami ayaa ka muuqda sawirkan oo uu la galay madaxweyne Vladimir Putin sanadkii 2010, isaga oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha