Wiil Hitler u eg oo lagu xiray Austria

The 25-year-old man who calls himself Harald Hitler Lahaanshaha sawirka Heute.at
Image caption The arrested man had been seen having his photograph taken outside the house in Braunau am Inn in which Hitler was born

Wiil Hitler u eg ayaa lagu xiray Austria isaga oo loo haysto in uu maamuusayo wakhtigii Nazi-ga, sid ay sheegeen saraakiisha deegaankaas.

Wiilkan oo 25 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu isugu yeeray Harald Hitler.

Wiilkan oo sidii Hitler timaha u shanlaystay, shaarubahana u jartay siddii uu caanka ku ahaa ayaa lagu arkay insaga oo sawirro ku galay gurigii uu Hitler ku dhashay oo ku yaalla magaaalda Braunau am Inn.

Wiilkan Hitler u eg ayaa dhawaan u soo wareegay magaaladan ku taala xadka Jermalka, sida uu BBC-da u sheegay David Furtner oo ah afhayeenka booliiska.

Image caption Adolf Hitler ayaa Austria ka tagay 1913kii isaga oo u wareegay Jermalka

Afhayeenka booliiska ayaa sheegay in arrintan aysan kaftan ahayn, oo aysan sidoo kale ahayn farshaxan la soo bandhigayay.

Wuxuu intaas ku daray in wiilka dhallinyarada ah uu si fiican u garanayo falka uu ku kacay

Waxaa kale oo uu sheegay in isla wiilkan lagu arkay Vienna iyo Graz.

Sawirrada wiilka ayaa lagu daabacay websiteka Austria laga leeyahay ee Heute.at

Maamusidda wakhtigii Nazi-ga ayaa dambi ka ah dalka Austria

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gurigan oo ku yaala Braunau ayaa ah meeshii uu ku dhashay Hitler 1889kii

Bishii tobnaad ee sanadkii hore ayay xukuumadda Austria go'aansatay in ay dumiso gurigii uu ku dhashay Hitler, si uusan u noqonin meel ay ku soo hirtaan dadka taageersan wakhtigii Nazi-ga

Hitler ayaa ku dhashay qaybta sare ee guri kiro ah 20-04 -1889.

Dawladda Austria oo la wareegtay gurigii uu ku dhashay Hitler

Duminta gurigii uu ku dhashay Hitler oo la joojiyay

Duterte oo dagaalka uu kula jiro daroogada barbar dhigay kii Hitler

Wakhtigiisiina waxaaba loo badalay goob lagu maamuuso Hitler ka dib markii ay magaaladaasi ku soo qulquleen dad dalxiiseyaal ah

Laakiin waxaa albaabada loo laabay 1944-tii markaas oo Nazigu ay lumiyeen gacan ku hayntii magaaladaas.